Madasha Xisbiyada oo lagu dhowaaqay iyo magacyada xubnaha hoggaanka cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir goordhow ay yeesheen xisbiyada siyaasadeed ee dalka, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si rasmi ah loogu dhowaaqay madal ay leeyihiin oo lagu magacaabo Madasha Xisbiyada Qaran.

Waxaa sidoo kale hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran loo doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa la timid kadib wadatashi muddo socday taasi oo looga gol leeyahay in la mideeyo garabyada kala duwan ee xisbiyada mucaaradka dalka.

Sheekh Shariif waxaa uu ahaa hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran, waxaana u tanaasulay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah guddoomiyaha xisbiga UPD.

Sidoo kale guddoomiye ku-xigeennada Madasha xisbiyada Qaran  ayaa waxaa loo doortay Prof. Maxamed Cabdi Gaandi  oo ah guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahad celiyey Xisbiyada sida kalsoonida leh oo ay ugu doorteen guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, isaga oo ballan-qaaday inuu si hufan ugu shaqeyn doono.

Shariif ayaa sheegay in sababta loo aas-aasay madashaan ay tahay in la abuuro jawi siyaasadeed oo lagu tartamo oo ku dhisan nidaam iyo is-ixtiraam si looga gudbo 4.5 loona gaaro marxalad baahsan oo aas aaskeedu yahay dadku inay isku raacaan aragti siyaasadeed.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu dambeyn sheegay in doorashada ay ka dhiman tahay Sanad iyo waxyar hadana aysan muuqan ilaa iyo hadda nidaamka ay doorashada ku geli karaan, sidoo kalena aysan jirin xuriyad ay ku dhaq dhaqaaqi karaan Xisbiyada iyo dadka Soomaaliyeed.

Madashan ayaa waxaa ku jira xisbiyo ay ka mid yihiin Himilo Qaran, UPD, Ileys, NPP, Kulan iyo Xisbiga Nabadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com