Basaaskii soo sheegay Al-Baqdaadi oo abaal-marin u helaya 25 milyan oo dollar

Idlib (Caasimadda Online) – Xubin kamid ah ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka ee Daacish, ayaa kaalin weyn ka qaatay guulaha howl-galkii Mareykanka ee maalintii sabtida lagu dilay hogaamiyihii kooxdaasi Abuubakar Al-Baqdaadi, sida ay sheegtay Washington Post.

Wargeyska ayaa waxa uu soo xiganayaa saddex sarkaal oo Mareykan ah iyo kuwa gobolka ah, kuwaasi oo si cad u sheegay in xubin aad ugu dhoweyd Baqdaadi ay soo gudbisay dhaq-dhaqaaqyadiisa safarka iyo weliba hoyga uu ku dhuumanayey.

Sarkaal ka mid ah saraakiishaas ayaa waxa uu sheegay in ay muhiim u aheyd howl-galkii ciidamada Mareykanka ee 26-kii October ogaanshaha hoyga uu ku dhuumanayo Baqdaadi.

Wargeyska ayaa sidoo kale waxa uu ku waramayaa in Xubinta basaaska ah ee soo gudbisay xogtaasi iyo qoyskiisaba in laga saaray magaalada labo cisho kadib howl-galkii guuleystay ee Baqdaadi.

Wuxuuna ku waramayaa in Basaaskaasi la siinayo abaal-marinta Mareykanka dhamaanteed ama badh kamid ah, iyadoo hore uu Mareykanku u shaaciyay in cida soo sheegtay goobta Baqdaadi uu helayo abaal marin dhan 25-milyan oo dollar.

Sida uu mid kamid ah Saraakiishaasi u xaqiijiyay Wargeyska in basaaskaasi oo aan weli si rasmiya loo shaacin dhalashadiisa, uu yahay Carab Sunni ah, kaasi oo kooxda Daacish kaga soo horjeestay dilka ay u geysteen qaar kamid ah eheladiisa.

Saraakiishan ayaa waxa kale oo ay si wada jira u cadeeyay in Suuriyada Dimuquraadiga (SDF) ay iyadu xubinta basaaska ah ku dhex abuurtay ururka Daacish, iyadoona kadib ku xidhay Sirdoonka Mareykanka oo hubiyay run sheegiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com