Madasha Xisbiyada Qaran: Waa wax yaab leh inay Villa Somalia ka been sheegto ajandeyaasha kulanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdifataah Ismaaciil Daahir oo ah guddoomiye ku xigeenka xisbiga UPD, oo ka mid ah Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ku eedeeyey Villa Somalia inay ka been sheegtay ajandeyaasha kulanka Farmaajo iyo madaxdii hore ee dalka.

Cabdifataah Daahir oo qoraal soo dhigay twitter-ka ayaa sheegay in Madasha Xisbiyada ay la yaabtay in Villa Somalia ay isku dayday inay beddesho ajandeyaashii la isku raacay kuna soo koobtay kaliya hal qodob oo ah, sidii dalka ugu dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah, sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta Villa Somalia.

“Tani waa kalsooni xumo ka timid dhanka dowladda, xitaa ka hor inta aysan billaaban wada-hadallada. Ajandeyaashii la isku raacay waa kuwa ka baxsan doorashada.” Ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in ajandeyaasha ay ka mid yihiin, sidii ay dowladda u bixin lahayd raali-gelin shaacsan, ilaalinta sareynta sharciga, iyo khilaafka maamul goboleeyada iyo dowladda.

Goor sii horeysay, xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in kulanka looga hadlayo shan qodob oo kala ah.

1 – Dastuurka iyo shuruucda dalka in ay saldhig u noqdaan habdhaqanka iyo hawlaha dawladda, ayna tahay in la ilaaliyo, oo aan dalka loo horseeedin fowdo iyo nidaam kalitalis ah.

2 – Doorashooyinka iyo arrimaha ku geydaaman oo mugdi badan ku jiro in umadda loo caddeeyo, dalkana ay ka dhacdo doorasho daahfuran oo dastuurka dalka waafaqsan.

3 – Khilaafka dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe in xal degdeg loo helo, si doorashooyinka dalku ay waqtigooda ugu qabsoomaan.

4 – Gobolka Banaadir iyo dadkiisu in ay xuquuq u yeeshaan in ay maamulkooda soo doortaan, isla markaana hadda laga dulqaado ciriiriga iyo dhagxaanta cuuryaamiyey ganacsiga iyo dhaqaalaha dadka.

5 – In laga garaabo gaboodfalladii lagula kacey madaxdii hore ee dalka ee shuruucda dalka hareernarsanaa.