Ciidamo ka wada tirsan DF oo Muqdisho ku dagaalay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay isgoyska Ex Control Afgooye gaar aahan meel aan sidaas uga fogeyn xarunta Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Ciidamada dagaalamay ayaa la sheegay inay kala yihiin kuwa ka tirsan Ciidamada Asluubta iyo ciidamada ilaalada ah ee Jidka uu dhismaha ka socdo ee Ex Control Afgooye.

Dagaalka ayaa socday muddo ka badan hal saac, waxaana la maqlayey rasaasta noocyadeeda kala duwan oo ay isku adeegsanayaan ciidamada dagaalamayo.

Illaa hadda si rasmi ah looma ogo sababta keentay inuu dagaalkaas bilowdo, waxaana istaagay dhammaan isku socodka gaadiidka iyo Dadweynaha ee Isgoyska Ex Control Afgooye.

Waxaa jiro khasaaro ka dhashay dagaalkaas, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn tirada dhimashada iyo dhaawaca.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online, Insha Allah