Madax wareer siyaasadeed oo haysta R/W ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Is-mari-waaga ka taagan doorashada ay tahay in lagu qabto Magaalada Garbahaarey ayaa noqotay caqabadda ugu weyn ee xilligan uu wajahayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Garbahaarey oo ah deegaan doorashada 2-aad ee Jubbaland ayaa waxaa yaala 16 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Maamulka Gobolka Gedo oo gadaal ay ka riixeyso Villa Somalia ayaa si buuxdo isku hortaagay inay magaaladaasi yimaadaan guddigii uu Ra’iisal Wasaaruhu u magacaabay in ay soo qiimeeyan xaaladda Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaarey.

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay sidii guddigaasi ku teggi lahaayeen Magaalada Garbahaarey ayaa haatan u muuqdo mid quus ka muujinaya, haddii aanu albaab kale u furmin.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Rooble uu Khamiistii Safiirka Mareykanka ee dalka u joogga Larry André u sheegay inay caqabad ka haysato doorashada Garbahaarey, oo aan halkaas doorashu lagu qabin karin.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sidoo kale Safiirka Mareykanka ku wargeliyay inaanan magaaladaasi lagu qaban karin wax doorasho ah, bacdamaa waqtigii lagu heshiiyay in doorashada golahaasi lagu soo geba-gabeeyo ay ku egtahay 15-ka bishan.

Rooble iyo Axmed Madoobe ayaa isku raacay in doorashada laga wareejiyo Garbahaarey oo la geeyo Kismaayo, balse ma cadda xilliga ay ku dhowaaqi doonaan.

Ma cadda tallaabada xigta ee Mareykanka uu qaadi doono, inkastoo uu dhawaan sheegay inay xayiraado ku soo rogayan kuwa caqabadda ku ah habraaca doorashada dalka.

Si kastaba ha-ahaatee Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa mar kale qarka u saaran in dib u dhac uu ku yimaado, oo ay dhaafo 15-ka Maarso.