Al-Shabab ‘oo weerar looga dilay’ 200 oo dagaal-yahan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay duqeyn Sabtidii ka dhacday qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka, gaar ahaan deegaanka Hareeri-Gubadle oo qiyaastii 20 KM dhanka Bari uga beegan Wabxo.

Weerarkan dhanka cirka ah ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyey ciidamada Xoogga dalka iyo diyaaradaha dagaalka Mareykanka, iyada oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu laayey illaa 200 oo ka tirsanaa Xoogaga Al-Shabaab, isla-markaana ay ku jiraan saraakiil sar sare, sida lagu shaaciyey bayaanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Ma shaacin dowladdu xogta ragga lagu dilay weerarkaasi, magacyadooda iyo waxa ay u qaabilsanaayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in duqeymahan lagu burburiyey saldhigyo ay kooxdu ku laheyd halkaasi, isla-markaana lagu gaarsiiyey jab xoogan.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay Mareykanka, gaar ahaan taliska AFRICOM oo ku aadan duqeymahaasi laga fuliyey Galmudug.

Al-Shabaab sidoo kale kama hadlin weerarkaasi cirka ah ee ay dowladda Soomaaliya shaacisay in looga dilay xubno badan iyo saraakiil sar sare.

Mareykanka ayaa dhowaan dib u bilaabay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya, kuwaas oo lagu beegsado xoogaga Al-Shabaab oo weli dagaal ka wada gudaha dalka.