Al-Shabaab oo weerar ku dishay QOF Shiinees ah

Lamu (Caasimada Online) – Shan qof oo uu ku jiro qof Shiinees ah ayaa lagu dilay, saddex kalena waa lagu dhaawacay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday goob dhisme uu ka socday oo ku taalla gobolka xeebta Kenya, sida ay sheegeen booliska.

Weerarkan ayaa Jimcihii ka dhacay Lamu, oo ku dhow xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Shaqaalaha la weeraray ee ayaa dhisayey buundada waddo dekedda Lamu ku xirta South Sudan iyo Ethiopia, markii weerarka lagu soo qaaday, waxaana dhintay afar ka mid ah sida lagu sheegay warbixinta booliska.

Qof kale oo waddada marayey oo saarnaa mooto ayey sidoo kale xabadda haleeshay oo dhintay, ayey warbixinta intaas ku dartay.

Mas’uuliyadda weerarka ayaa wxaaa sheegtay xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya, oo khasaaraha dhimashada ku sheegtay lix qof oo Kenyan ah iyo qof Shiinees ah.

“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerar ay ka fuliyeen gobolka Lamu ku dilay 6 qof gaalo Kenyaan ah iyo qof Shiinays ah,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Gobolka Lamu oo ka mid ah meelaha dalxiiska caanka ku ah ee Kenya ayaa waxaa marar badan ka dhacay weeraro iyo qaraxyo ay fulisay kooxda Al-Shabaab.