Madaxda DF Soomaaliya iyo maamul goboleedyada oo shir cusub isugu imanaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta daah-furay shirka iskaashiga Soomaaliya & saaxiibada caalamka ayaa ka warbixiyey dadaalada ay wado xukuumadiisa ee ku aadan doorashada soo socota ee isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Rooble ayaa marka hore shaaca ka qaaday in doorashada ay ku dhici doonto waqtigii loo asteeyey, si looga baaqsado inuu yimaado dib u dhac.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu bilaabi wada-tashiyo guud oo ku aadan doorashada, islamarkaana uu safaro kala duwan ku tegi doono magaalooyinka Garowe, Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb, si xal waara looga gaar tabashada qaar ee maamul goboleedyada dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in markale ay shir isugu imaan doonaan madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka, kaas oo looga arrinsanayo muranka weli ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa qabashada doorashada, iyada oo weli ay halkeedii tahay walaaca iyo tabashada ay muujinayaan, Jubbaland, Puntland, guddoomiyaha aqalka sare iyo musharraxiinta ka qeyb-galaya doorashada soo socota.

Si kastaba lama oga sida ay wax noqon doonaan, iyada oo xukuumadda Soomaaliya ay qorsheyneyso in la bilaabo doorashada xildhibaanada golaha aqalka sare ee Soomaaliya.