Madaxda ugu sarreysa KENYA oo isku khilaafay kiiska badda Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Sida uu daabacay wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalada Nairobi, madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa si aad ah uga xumaaday hanaanka Wasiirkiisa Arrimaha dibadda Kenya ay u wajahday Dacwadda Badda ee Somaliya iyo Kenya.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda dalka Kenya ayaa laga soo xigtay in Madaxweyne Kenyatta uu si aad ah ugu canaantay Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda guul darooyin kala duwan oo soo wajahay.

Waa midda koowaad inay ku guuleysan wayday arrinta Badda ee Somaliya kala dhaxeysa, islamarkaana ay magacowday Diblumaasiyiin aan xirfad badneyn oo Kenyan ah, sidoo kalena Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ay iska gaartay go,aano shaqsi ah.

Arrinta kale ee Madaxweynaha Kenya uu ku canaantay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi Kenya Monica Jumma ayaa waxa ay tahay Kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Kenya ay doonayso.

Kenya ayaa sanadkaan waxaa soo gaaray guul darooyin waaweyn oo ay kala kulantay caalamka, taasi oo fadeexo ku noqonaysa marka laga hadlaayo fagaarayaasha Caalamka.

Arrinta Badda Somaliya oo Kenya ay dalbatay in dib loo dhigo 12-bilood ayaa laga diiday, waxaana maxkamadda Hague ay u ogolaatay Kenya in laba bilood kaliya kiiska badda dib loo dhigo.

Kenya ayaanan kalsooni badan ku qabin kiiska badda Somaliya & Kenya waana arrinta keentay walaaca Kenya ay muujinayso.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa qoray maqaal dheer oo uu uga hadlayo khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha Kenya iyo Wasiiraddiisa arrimaha dibadda.

Wargeyska oo xiganaya ilo ka mid ah Madaxtooyada Kenya ayaa sheegay in Monica Juma lagu heysto sida ay u wajahday arrinta Badda ee Kenya kala dhaxeysa Soomaaliya, sida ay ula dhaqantahay dowladda Itoobiya iyo diblomaasiyiin aan xirfadyahanno ahayn oo ay magacowday.

Waxyaabaha ugu culus ee lagu heysto waxaa ka mid ah in siyaasadda arrimaha dibadda Kenya haadaan ka ridday islamarkaana Kenya u nugushay in labo jeer ay fagaarayaal Caalami ah ku guul darreysto  sanadka soo socda.

Midda hore waxaa arrinta Badda oo Monica Juma lagu eedeeyay in qaab aan waafaqsaneyn diblomaasiyadda ula dhaqantay Soomaaliya sidoo kalena ay iyada oo aan la tashi la sameyn Madaxtooyada go’aanno masiiri ah gaartay.

Midda 2aad ayaa ah kursiga golaha amaanka ee Qaramada Midoobey oo sanadka dambe kula tartameyso dowladda Jabuuti.

Juma ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay si shakhsi ah u weerartay dalka Itoobiya oo ah saaxiib dhow oo ay leedahay Kenya taas oo iyana qeyb ka ah qaladaadka Monica Juma.

Sidoo kale Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau, ayaa lagu eedeeyay in uu dhawr jeer warbaahinta ka hadlay islamarkaana go’aanno aysan dowladda raalli ka ahayn ku dhawaaqay.

Arrintan ayaa la sheegay in aysan faxad gelinin Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo labada qof u arka kuwa ku ciyaaray doorkii diblomaasiyadeed ee Kenya ku lahayd Caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com