Shaqadii xarunta dambi baarista ee CID oo la joojiyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ka Jawaabay Cabasho kaga timid bulshada Soomaliyeed,taasi oo la xiriira bixinta warqada dembi la’aanta ee CID-da

Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliyeed Zakia Xuseen Axmed ayaa dhamman Shacabka ku sugan Gobolka Banaadir ka codsatay in muddo sadax malmood ah la hakiyay bixinta warqada dembi la’aanta,taasi oo uu bixiyo hoggaanka CID-da dowladda.

War qoraal ah oo barteeda Facebook ay ku soo qortay Zakiya ayaa waxaa ay sheegtay in Mudada kooban la joojinta bixinta Warqada ay hoggaanka CID-da ku doonayan inay dib-u-habeyn hufan ku sameeyaan nidaamka helista warqada dembi la’aanta.

“Taliska Ciidanka Boliiska oo ka jawaabaya cabashada ka timid bulshada Soomaliyeed waxaa dhamman shacabka ku sugan G/Banadir la ogeeysiinayaa in muddo sadax malmood ah la hakiyay bixinta warqada dembi la’aanta taasoo bixisa hoggaanka CID muddadaas aan dooneyno in dib-u-habeyn hufan ku sameeyno nidaamka helista warqada dembi la’aanta. Bulshada sharafta leh waxaa ka codsaneenaa in ay inoo dulqaataan muddada aan howlshaas wadno” ayay tiri taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Sakiyo Xuseen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com