Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan isugu jiray dhammaan Madaxda iyo Agaasimayaasha Warbaahinada Madaxa banana ee Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Kulanka oo la filayo inuu Maanta dhaco ayaa waxaa looga hadli doonaa muranka ku aadan ka qeybgalka Saxaafadda ee Kulamada Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxda Idaacadaha iyo Agaasimayaasha Telefishinada ayaa Shalay lagu wargeliyey inay kulankaas kasoo qeyb galaan si looga wada hadlo Doorka Saxaafadda ee kulamada Baarlamaanka.
Waxaa Maalmihii ugu dambeeyey socday qorshe la doonayey in Warbaahinada madaxa banaan looga mamnuuco inay kasoo qeyb galaan kulamada Baarlamaanka kadib murankii ka dhashay kulankii la doonayey in looga doodo Amniga.
Qorshahaas ayaa waxaa si wadajir ah u waday Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’isulwasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaana arrintaas keentay khilaaf soo kala dhex galo Xildhibaanada oo intooda badan ka hor imaaday qorshahaas.
Lama ogo waxa uu doonayo Guddoomiye Mursal inuu u sheego Madaxda iyo Agaasimayaasha Warbaahinada Madaxa banaan, balse warar hordhac ah oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegayo inuu Guddoomiye Mursal Cadaadis xooggan kala kulmay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka isla markaasna wuxuu Gudoomiye Mursal go’aansaday in Warbahinada loo ogolaado Kulamada Baarlamaanka iyadoo lagu shaqeenayo hab cusub, iyadoo warbaahin walba la siin doono kaararka aqoonsiga iyo calaamad lagu aqoonsanayo, si warbaahintii loo arko inay wax ka baxsan howlaha Baarlamaanka wado loo aqoonsado.
Guddoomiye Mursal iyo XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo kulamo khaas ah yeeshay ayaa isku afgarteen in nidaam iyo Shuruuc cusub lagu soo rogo Warbaahinada oo ku saabsan habsami u socodka Howlaha Baarlamaanka.
Kulankan ayaa daba socda xilli dhawaan buuq ay sabab u ahaayeen Wariyeyaasha muqdisho uu ka dhacay Kulankii Sabtidii la soo dhaafay ee Golaha Shacabka, kaas oo u baaqday sababao la xiriira in Saxaafada ay kulanka banaanka ka joogto iyo inay ka qeybgasho taas oo ay isku khilaafeen Xildhibaananda Golaha Shacabka..
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

