Madaxtooyada oo gudaha gashatay golaha shacabka iyo guddiga doorashada

Muqdisho (Caasimada online) – Qaar ka mid ah Xisbiyada dalka ka jira iyo siyaasiinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxtooyada ay gudaha gashadeen guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka, Guddiyada Golaha Shacabka iyo Guud ahaan Xildhibaanadii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiyadaan iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hada ku shaqeeya gudaha xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay aad u adkaatay la kulankooda iyo warbixinada laga heli karo xafiisaydooda.

“Dhamaantood waxay u muuqataa in gudaha la gashaday loona yeerin doono sida ay shaqada u qabanayaan mana jirto qof ama xisbi la kulmi karo” ayuu yiri Dr Axmednuur Xasan Daa’uud oo kamid ah siyaasiinta magaalada Muqdisho.

“Golaha Shacabka waa hay’adda ugu muhiimsan dowladnimada Soomaaliya hadase waxa uu ku jiraa gacanta Xukuumadda wax aan loo yeerin kama hadlaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dr Axmednuur.

Hore qaar kamid ah Xisbiyada dalka ka jira ayaa sheegay in aysan awood u laheyn in ay la kulmaan guddiga madaxabanaan ee doorashayoonka Qaranka, halka sidoo kale guddiga uu sheegay in aysan heysan xafiis ay ku shaqeeyaan ayna adagtahay in loogu yimaado xaruntooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com