Madaxtooyada Puntland oo arin la yaab leh kula kacday hobolada Waabari Puntland

Garoowe (Caasimadda Online) – Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa Warbaahinta Caasimadda u xaqiijiyey in fal anshax darro ah lagula kacay hobolada Kooxda Waabari Puntland, kaddib markii uu xilka ka qaaday Madaxweyne Cabdiweli Gaas Guddoomiyihii kooxdaas Abwaan Cabdiqaadir Cabdi Shube.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in subuxnimadii saaka la dul dhigay Kooxda Waaberi amar deg deg ah oo dhigaya in Muddo 24-saac ah ay ku baneeyaan guryaha hooyga iyo xafiisyada u ah ee ay ka degan yihiin Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo ku taala dhismihii hore ee Madaxtooyada Puntland.

Hobolada Waaberi ayaa lagu amray in ay qalabkooda ka urursadaan xarunta ay degen yihiin, haddii kalena bannaanka lagu soo daadin doono markii ay dhammaato mudada 24-saac ah ee loo qabtay.

Amarkaan ayaa la sheegay in uu ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, iyadoona Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland iyo Kuxigeen-kiisuba ay u sheegeen Guddoomiyaha Kooxda Waaberi sida ay uga xun yihiin dhacdadaan, maadaama ay kaalin weyn kasoo qaateen Puntland mudan yihiinna maamuus iyo waji ka duwan kan haatan lagula kacay.

Madaxtooyada Puntland ayaa wadda abaabul ka dhan ah masuul kasta oo ka aragti duwanaada mowqifkeeda ka dhan ah Dowladda Dhexe, iyadoo go’aamadaas inta badan ay ka soo horjeesteen masuuliyiinta xilka laga qaaday oo intooda badan ay muddo kasoo shaqeynayeen Puntland..

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com