26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Madaxtooyada Somaliland oo si kulul uga jawaabtay mooshinka horyaalla BF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxtooyada Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Mooshinka Xildhibaanada BFS ka gudbiyeen Heshiiska Somaliland iyo Dowlada Imaaraadka Carabta.

Heshiiska ayaa ku saleysnaa in Dowlada Imaaraadka carabta ay Saldhig Millitery ka furaneyso Magaalo xeebeedka Berbera.

Madaxtooyada Maamulka Somaliland ayaa sheegtay inaanu maslaxad u arag in Baarlamaanka Somalia uu kusii fogaado Mooshinka loo qeybiyay Xildhibaanada BFS.

Madaxtooyada Maamulka ayaa sidoo kale, sheegtay inay ka digeyso in dowlada Somalia ay faragalin ku sameyso arrimaha ku xeeran Saldhiga lasiiyay dowlada Imaaraadka.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Cige ayaa sheegay in Somaliland ay kasoo horjeedo Mooshinka xildhibaanada Baarlamaanka ay ka wadaan Saldhiga Berbera.

Cige waxa uu sheegay in Somaliland aysan marnaba aqbali doonin in DFS fara gelin ku sameyso saldhiga Millitari ee Imaaraadka uu ka furanayo Magaalada Berbera.

Cige oo ku hadlaayay afka Madaxtooyada ayaa sheegay in Somaliland ay qaadi doonto talaabo lidi ku ah DFS haddii ay dhacdo in Dowladu ay kusii adkeysato Mooshinka ka dhanka ah Saldhiga Millitery ee Berbera.

Qeyla dhaanta kasoo yeertay Madaxtooyada maamulka ayaa kusoo beegmeysa xili arbacadii lasoo dhaafay Xildhibaanada BF loo qeybiyay Mooshin kadhan ah Saldhiga ay Somaliland siisay Dowlada Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News