Madaxwayne Xasan oo beeniyay arrin lagu xamanayay dhowaanahan

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay in Xukuumada Soomaaliya kaliya xilal laga wada siiyay ragii ay isku xisbiga ahaayeen ka hor inta uusan noqon madaxwaynaha dalka.

Su’aal uu Waydiiyay Wariye ka tirsan BBC-da ayaa ahayd in Madaxwaynaha uu xilalka ugu badan ee Xukuumada Tobanka Wasiir ka kooban inay u badan yihiin xisbigiisii Bii dhii bii.

Madaxwaynaha oo ka jawaabayay taas ayaa ku tilmaamay inay tahay borobogando ay soo dhoo dhoobeen dulmi wadayaal waxaana uu yiri.

“Xukuumada Tobonka Wasiir hadii aan ahay qof xisbigiisa wada siiyay waxaad dareemi kartaan dad u ololaynayay Musharaxiintii aan ku tartamaynay doorashada inay ku jiraan xukuumada Tobanka Wasiir”Sidaas waxaa yiri Madaxwaynaha.

Mudooyinkan dambe waxaa jiray in Madaxwaynaha Soomaaliya uu aqalka Madaxtooyada geeyay dadkii ay wada shaqayn jireen ee ay isku xisbiga ahaayeen.