Magacyada 5-ta Xidig ee qiimaha Badan lagu gatay laguna qasaaray

Hadii Heshiiskii uu Macalin Sir Alex Ferguson kula soo wareegay horaantii xili Ciyaareedkan Robin Van Persie oo ahaa Kabtankii hore ee Kooxda Arsenal uu ku guuleestay , Alex Sanches ne uu si fiican ula qabsaday kooxda Barcelona markii Laga soo iibsaday Kooxda Udinesse , Inter Milan ne ay ku macaashtay Heshiiskii ay kula soo wareegtay Diego Milito oo Genao kaga soo biiray markii uu dhaliyay in ka badam 50 goal ,balse waxaa jiro kooxo fara badan shaleyto iyo qoomamo ka taagan heshiisyo ay Lacago fara Badan ku bixiyeen oo ay kula soo wareegeen xidigo Caan ah.

21woodKa tegay Newcastle United ku biiray Real Madrid Lacag dhan $22 Million (2004).

Real Madrid ayaa weli qoomamo iyo shaleyto ka joogto heshiiskii aan laga fiirsan ee sanadkii 2004-tii, ay kula soo wareegtay Daafacii hore ee Kooxda New Castle iyo Xulka England Jonathan Woodgate ,

Woodgate, ayaa yimid Garoonka Santiago Bernabue sanadkii 2004-ta, isagoo weli qaba dhaawac canqowga, balse rajo laga qabay in uu si fudud Garoomada ugu soo laabto ayaa lagu guuleedareestay.

12 kulan oo uu u saftay Kooxda Real Madrid, waxa uu ugu abaal guday in uu ka dhaliyo Goal (Own Goal ah ) ama Ottoreto.

article-0-01AE7E410000044D-139_468x385Wuxuu ka tegay Parma kuna biiray  Chelsea qiimo dhan  $26 Million (2003)

ayaa ka macaashtay heshiiskii ay Chalsea kaga iibisay sanadkii 2003-dii Xidigii Hore ee Kooxda Inter Adrian Mutu , markii uu London ku aaday Aduun Lacageed oo dhan $26 Million.

Kooxo fara badan ayaa ka faa’iideestay xiligaasi lacagaha indho la’aanta ah ee suuqa soo galiyay Maalqabeenka u dhashay dalka Ruusha Roman Abrahimovic.

Inkastoo uu xidig weyn ahaa Mutu xiligii uu joogay Garoonka Tardini Stadio ee Kooxda Parma, balse waxa uu noqday La mood Balse Noqon wesay markii uu tegay Garoonka Stam for Bridge.

Adrian Mutu ayaa Kooxda Chalsea u saftay 27 kulan, wuxuuna u dhaliyay 6 Gool oo qura , ka hor inta aan laga ceyrin Naadiga markii FA-da ku heleen isticmaalka Daroogada Cocaine-ta.

995876_display_imageWuxuu ka tegay Lazio kuna biiray Manchester Unitedqiimo dhan  $37 Million (2001)

Laadadkii xorta aha iyo baasaskii dheer dheeraa ee uu Kooxda Lazio Juan Sebestuan Veron ku soo bandhigay darteed , waxa ay keentay in Macalinka Kooxda Manchester United uu soo jiito qaab ciyaareedka Xidiga reer Argentina.

Macalin Ferguson ayaa karti iyo geesino uu iska baaray darteed u jabiyay Bankigiisa siduu ku heli Lahaa Juan Veron wuxuuna Kooxda Lazio hoosta u galiyay aduun lacageed oo oo dhan $37 Million oo uu ku keenay Garoonka Old Trafolld.

Balse 2 sano oo uu ka hoos ciyaaryay Macalin Ferguson , waa la iibiyay markii uu soo bandhigay ciyaar aan lagu qancin, waxa uu 20 million oo Doolar ugu biiray Kooxda Chalsea.

ShevchenkoWuxii ka tegay AC Milan kuna biiray Chelsea qiimo dhan $50 Million dollars (2006) 

waalida ahaa ee lagu qasaaray waxaa ka mid ahaa kii ay Kooxda Chalsea kula soo wareegtay xidigii hore ee Kooxda Ac Milan iyo xulka Ukraine Andriy Shevchenko.

Schevchenko ayaa sanadkii 2006-dii. waxa uu Kooxda Ac Milan ugu soo dhaqaaqay dhanka iyo Kooxda Chalsea markii laga bixiyay qiimo dhan $50 Million (Konton Milyan oo Doolar).
Balse sedex xili ciyaareed ee uu ku sugnaa Garoonka Stam for Bridge waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed aad u liita, markii uu Kooxda Blues-ka u saftay 48 kulan una dhaliyay 9 Goal oo qura.
Dulqaadkii Roman Abrahimovic oo dhamaaday darteed xidigaasi waxaa deyn ahaan loogu wareejiyay kooxda Milan oo uu markii horeba laga soo iibsaday.

Zlatan Ibrahimovic Best Soccer PlayerWuxuu ka tegay Inter Milan , kuna biiray Barcelona qiimo dhan $100 (2011)

Kadib xiliyo wanaagsan ee uu ku qaatay Garoonka Sansiro iyo Kubadii Wanaagsaneed ee uu ku soo bandhigay Kooxda Internazionale, ayaa Zlatan Ibrahimamic waxa uu si fudud ugu dhaqaaqay Horyaalka Spain markii uu heshiis la gaaray Naadiga Barcelona.

Barcelona ayaa Xidiga Reer Swedan qiimo waali ah ku iibsatay markii ay madaxiisa duldhigtay lacag dhan $65 Million dollars oo lagu daray Weeraryahanka reer Cameron Samuel Eto’o, oo isna lagu qiimeeyay lacag dhan $ 26 Million.

Balsa Ibra ayaa Barcelona ku soo bandhigay ciyaar aan loogu baran kadib markii uu ku guuldareestay in uu ka mid noqday dooqa 1aad ee Macalinkii Barcelona Pep Gardiola.
46 kulan oo uu saftayn Barcelona waxaa uu dhaliyay 22 goal.
Waxaana Lacagtii Ciyaaryahan Ibrahimovic lagu soo iibiyay markii loo qeybiyay Goolashii uu Barcelona u dhaliyay halkii xili ciyreed ee ii joogay uu halkii goolba loogu xisaabyay Lacag dhan $4.1.

Sidoo kale waxaa jiro Xidigaha kale oo laga soo bixiyay qiimo fara badan misne ku fashilmay kooxihii ay ku biireen sida Ricardo Kaka oo Real Madrid ka tirsan , Robie Keane, Andy Carrol oo Liverpool ay kala soo wareegtay kooxda New Castle, Fernando Torres oo Chalsea ay ka soo iibsatay Kooxda Liverpool, Robinho oo Man City ay qiimo fara badan kaga soo iibsatay Kooxda Real Madrid balse markii danbe amaah lagu siiyay Kooxda Ac Milan iyo Cese Fabregas oo Barcelona kaga soo biiray dhanka iyo Kooxda Arsenal haatana xili waqti xun ku qaadanayo garoonka Neu Camp.

La Soco dhowaan qormo kale oo ka hadleyso Xidigii lagu macaashay Heshiisyadooda.
Cabdiqani Cali Dalmar
riyaale10@hotmail.com
Caasimada-Swizerland