Madaxweynaha Botswana : “marka aan xilka ka dego,waxaan raadsanayaa xaas qurxoon!”.

Gaborone (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dalka Botswana Ian Khama,ayaa sheegay in marka la gaaro 1da April ee sanadkan wixii ka dambeeya uu raadsanayo xaas qurxoon isaga oo la kaashanaya xubno ka mid ah qoyskiisa oo la raadiya dooqiisa.

Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in ay isu qaban weysay maamulka Dalkiisa iyo raadinta gabar qurxoon sidaas darteedna uu doortay in mudda ah in uu xaas la’aan ahaado.

Kgosi Maruje III  iyo Tati, ayuu sheegay in uu aad u dhegeysanayo islamarkaana uu u dhiibtay dooqiisa in ay la raadiyaan.

Sanadkii 1992dii ayuu alkuntay Gabar lagu magacaabo  Nomsa Mbere,muddo dheer kaddib waxaa geeriyootay hooyadiis,waxaana kaddib uu sheegay in uu ka kabaxay alkumashadii sidaas darteedna uusan diyaar u ahayn guur.

Tan iyo xilligaas Madaxqweyne Khama lalama xiriirinin wax guur ah,waxaana uu ahaa Doob,hadda waxaa uu xilka ka degayaa 31ka March 2018,waxaana kaddib uu doonayaa Gabar qurux badan oo uu guursado.

Mar ayuu jeclaaday Gabar lagu magacaabo Yarona Sharp,hayeeshee ma dhicin in uu guursado,mar la weydiiyay dooqiisa waxaa uu yiri “waxaan doonayaa Gabar qurux badan,dheer, dhexyar,oo aan buurneyn”.

Warbaahinta iyo Dadweynaha dalkaas ayaa waxaa ay six an ah u sheegaan in Madaxweynuhu yahay  Khaniis,hayeeshee ma jirto caddeyn lo ohayo.

Madaxweyne Khama waxaa uu heystaa darajada 1aad ee heerka Jaamacadeed,waxaase lagu amaanay in uu yahay Madaxweyne dalkiisa u horseeday musuq maasuq la’aan iyo siyaasad deggan.

Khama oo xilka ka degaya 31ka March 2018,waxaa uu madaxweyne ka ahaa dalkaas tan iyo 2008dii,waxaana beddelaya ku xigeenkiisa Mokgweetsi Masisi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com