Sidee Shirkadda ECCO ula wareegtay mid ka mida shaqadii Dowladda Hoose ee Muqdisho.?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Nadaafadda waxay ka mid tahay adeegyada asaasiga ah ee ka qeyb qaata caafimaadka iyo faya-dhowrka, waxaana muddo dheer maareynta qashinka magaalada Muqdisho uu ahaa shaqooyinka ugu waaweyn ee Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Waaxda Nadaafadda ee Dowladda hoose ayaa iyaduna ahayd hay’adaha ugu shaqaalaha badan, waxayse taasi isbedeshay markii ay dhacday dowladii Soomaaliya, waxayna qeybtan ka mid noqotay qeybaha soo kaban waayey oo maamuladii G/Banaadir isaga danbeeyay ay ku guuldarreysteen in si buuxda loo soo celiyo adeegii ay dadka u heysay.

Dowladii Xasan Sheekh ayaa aakhirkii xilligiisa Disember 2016 gacanta u geliyay shirkadda ECCO howlaha nadaafadda Gobolka Banadir, taasoo lala galay heshiis qarsoodi ah oo aan ilaa iminka shacabka loo soo bandhigin, waxaana heshiiskaasi lagu amray gobolka Banadir iyo saxiixo xilligii uu madaxda ka ahaa Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Shirkadda ECCO waxay la timid Qalab fara badan, iyadoo qoratay shaqaale isla markaana ka howlgashay degmooyinka G/Banaadir oo dhan, waxaana maamulka G/Banaadir uu baabi’iyey shirkado yaryar oo qashinka ka qaadi jiray xaafadaha iyo degmooyinka Muqdisho.

Shirkadda ECCO waxaa leh ganacsato Soomaaliyeed iyadoo saamigeeda ugu badan leedahay shirkadda HASS Petroleum ee Bariga ka howlgasha, iyadoo dadka Muqdisho lacago uga qaada ururinta Qashinka guryaha iyo Goobaha Ganacsiga.

Inkastoo aan la ogeyn qasaare iyo faa’iido waxay ku sugan tahay shirkadda ECCO, haddana waxaa muuqata inay howl fiican ka qabatay xaaladii wasakhda magaalada, laakiin waxaa xusid mudan in waaxdii nadaafadda G/Banaadir iyo shaqaalaheedii ay mushaar ka qaataan G/Banaadir iyagoo aan wax shaqo ah haynin.

Shirkadda ECCO waxay lacagteeda si toos uga soo saarataa dadweynaha Muqdisho oo lacag ay uga qaadato qashinka, iyadoo Maamulka Gobolka Banaadir oo ay ahayd inuu adeegan qabto uu isna canshuur ka qaado dadka, taasoo isugu tageysa in dadka Muqdisho ay laba jeer dhibanayaal yihiin laakiin ay raali ku yihiin.

ECCO waxay hadda dadaal ugu jirtaa inay la wareegto xarumihii dowladda Hoose iyo dhulkii danta guud ahaa oo ay ugu dambeysay Barxadda Ceelgaab ee Biyaaso Liibaro oo hadda la isku hayo kadib markii la siiyey si ay ugu shaqeysato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com