Sanbaloolshe in la aamusiyo ayuu rabaa (Faalo Xasaasi ah)

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa xoogeystay hadaladda ka imaanaya Taliyihii hore ee Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Dad badan ayaa ku tilmaamay inuu isu rogay mucaarad ,laakiin taas dood ka duwan ayaa muuqata.

Ilaa 4 wareysi oo kulul ayuu bixiyay ,wareysiyadda qaar wuxuu Dowladda ku dhaliilay gaar ahaan madaxtooyadda iney dagaal xoogan la gashay oo ay dhaafisay kursigiisii, wuxuu yiri madaxweynaha waxaa uggu jira faraanti jin ah, wuxuu diiday inuu si toos ah ugga hadlo arinta dhiibista Qalbi Dhagax inkastoo uu sheegay inuu isagu ahaa qof ku shaqeynayay amar madaxda kore ka yimid, wuxuu u muuqday nin wax badan og ,wuxuu mar walba isku dayaayay inuusan madaxweynaha dhaliisha saarin, , hadaba muxuu u hadlaya Sanbaloolshe?.

Dalka waxaa ka dhacday dhowr kiis oo aaney madaxdu ilaa hadda toos ugga hadal, Sanbaloolshe wuxuu hayaa sirta Qaranka gaar ahaan Dowladda hadda jirta, arinta Qalbi Dhagax waa u tun ku taagan madaxda hadda joogta, ma jiro qof ku dhiiran kara inuu sheegto inuu amarkaas bixiyay, wararka sheegaya in madaxtooyaddu lacag ku bixisay musharaxii la tartamaayay waxey u badan yihiin kuwa saxan.

Sanbaloolshe oo xilkii lagga qaaday ,midkii kalana lagga riixday waxaa u muuqata fursad uu xil kale ku raadsan karo oo ah inuu hadlo isagoo cabsi galinaya madaxdda sare, hadii uu Sanbaloolshe sheego cidii bixisay amarkii laggu dhiibay Qalbi Dhagax uuna cadeymo la yimaado waxaa dhici karta dhiiqo siyaasadeed, wareysiyadda nuucaan ah waxaa la yiraahdaa “i aamusi” oo la micno ah boos ii raadi .

Villa Somalia waxa ay ku qasban tahay in aamusiddo Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo uggu yaraan loo raadiyo safaarad waliba waa inuu noqdaa safiir aan la badalin waqtiga u haray madaxweyne Farmaajo sida ay qabaan dadka siyaasadda faaqidda, wareysiyadiisu waxey u muuqdaan fariin , hadii aan si deg deg ah loola hadal Sanbaloolshe wareysiyadda xigga ee uu dhiibi doonno waxey noqon karaan dacar siyaasadeed.

Sanbaloolshe waxaa laggu tilmaamaa nin aan gamban inta badan, Is bad baadintu waa qeyb ka mid ah fahamka siyaasadda fiyoow.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com