Deg deg :- Shaqaale Hormuud ka tirsan oo Muqdisho lagu dilay iyo faahfaahin ku saabsan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha Shirkada isgaarsiinta ee Hormuud Koox hubeysan oo wadata gaari nuuca raaxada ah ayaa gudaha shirkada Hormuud qeybta xaafada buun-dooyinka ee degmada Waabari ku dilay shaqaale shirkadaas ka tirsanay oo loogu galay xafiiskiisa halkaasina lagu dilay.

Shaqsiga la dilay ee ka tirsan shaqaalaha shirkada Hormuud ayaa waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Suleyman.

Kooxdii dilka geysatay ayaa ka baxsatay goobta, lamana oga sababta ka danbeysa dilka loo geystay shaqaalahaan ka tirsanay shirkada Hormuud.

Waa markii labaad maalmo gudahood la dilo shaqaale ka tirsan shirkada Hormuud ee Muqdisho, khamiistii ayey aheed markii shaqaale ka tirsan shirkada Isgaarsiinta Hormuud Qarax miino lagula eegtay deegaanka tareedisho ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com