Cabdi Qeybdiid: “Weerarkii lagu qaaday Guriyeyga waxaa la rabay in lagu khaarijiyo, waxaana ka dabeeyay…”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa afka furtay isagoo shir jaraa’id oo uu goor dhoweyd qabtay ku faahfaahiyey weerarkii lagu qaaday gurigiisa iyo ciddii ka dambeysay.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay inuu Alle amarkiis uga badbaaday weerar loo qorsheeyay in lagu khaarijiyo, taasoo ay ku reebtay argagaxa iyo murugo, qoyskiisana dhibaato loogu geystay, iyadoo mid ka mida ilaaladiisa lagu dhaawacay oo uu weli isbitaal ku jira.

“Weerarkii lagu soo qaaday gurigeyga 30 bishii December 2017 waxaa la rabay in la igu khaarijiyo, Ciidamo laga soo diray Dugsiga Tababarka Jen. Gordon oo uu Imaaraadka maamulo iyo ciidanka Nabadsugida ee Gobolka Banaadir ayaa ka dambeeyay” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid oo sheegay inuu ka hortegay falcelin weerarkaasi ka dambeyn lahayd.

Cabdi Qeybdiid ayaa caddeeyay inuu muddo 33 maalmood ah kadib weerarkaasi aan wax tallaabo ah laga qaadin saraakiishii Imaaraadka iyo kuwii nabadsugidda ee gurigiisa weeraray, iyadoo kaashanaya ciidamada NISA ee Gobolka Banaadir.

“Weli waxaan dareensanahay inay jiri karo khatar ku wajhan nafteyda iyo qoyskeyga, cid kastana ay ku imaan karto… waxaan ka codsanayaa xubnaha labada Gole ee Baarlamaanka inay guddi u saaraan arrintan oo horseedi karta khatar ku wajahan Qaranimada Soomaaliya..” ayuu yiri Cabdi Qeybdii oo baaq u diray labada Aqal ee Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com