Madaxweynaha HirShabelle oo go’aan adag ka qaatay xiisadda Yuusuf Dabageed

Belewdweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo dhawaan xilka ka qaaday Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ahaa Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa waxaa xilka qadistaasi ka dhalatay xiisad xoogan.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa diiday in uu baneeyo xarunta uu ku shaqeeyo maamulka gobolka, islamarkaana uu wareejiyo xilka, kadib markii ay u tageen waxgarad iyo siyaasiyiin reer Hiiraan ah.

Madaxweyne Waare ayaa haatan qaatay go’aan ah in si qasab ah xilka looga qaado guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, lana soo xiro, iyadoona ay xusid mudan tahay in Dabageed uu wato Ciidan aad u badan oo isaga taabacsan, kana soo horjeedo xil ka qaadista lagu sameeyay.

Warar kale oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay haatan qorsheynayaan in ay fara geliyaan xiisadaasi, waxaana xubnahaasi ku jiro Xildhibaano ka soo jeedo gobolka Hiiraan.

Xil ka qaadista Dabageed ayaa timid kadib markii uu khilaaf xoogan soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare. Waxyaabaha la isku khilaafay waxaa ka mid ahaa hanaanka loo maareynayo Canshuurta gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Baladweyne
caasimada@live.com