Somaliland oo cayrisay hay’adda QM ee ILO

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shaqada ka joojisey Hay’adda caalamiga ah ee Shaqaalaha dunida (ILO).

Hay’addan Caalamiga ah ayaa waxa shaqada looga joojiyey warqad ay ku saxiixnaayen Afar wasiir oo ka tirsan Xukuumada Muuse Biixi.

Waraaqda lagu joojiyey dhamaan dhaq-dhaqaaqyadii Hay’adda ayaa waxa nuqul kamid ahi soo gaaray Shabakada Caasimada Online, waxaana lagu sheegay inay go’aan qaadashadan ay ka dambeysay kadib markii ay Hay’addaasi lunsatay xuquuqdii Somaliland.

Xukuumada Muuse Biixi ayaa sidoo kale waxay ku xustay waraaqdaasi inaysan Hay’addu ka shaafin walaaca ay sheegtay inay ka qabto ILO, Waxaana lagu yiri qoraalkaasi:

“Iyadoo la tixgelinayo joojinta dhaq-dhaqaaqyada ILO ee ku saabsan shuruucda iyo shuruudaha ka qeyb-galka xukuumada Somaliland, waxay si aan toos aheyn u go’aansatay joojinta dhaq-dhaqaaqyada ILO, heshiisyada iyo iskaashiga ay la leeyihiin dhamaan Hay’addaha Somaliland”.

“Natiijada go’aankan ayaa waxay ku saleysan tahay tixgelin la’aanta go’aamada dowladda iyo in aanay ILO kasoo jawaabin oo ay awoodin inay ka jawaab celiso walaac ay qabto dowladu”.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah

Halkan hoose ka aqriso waraaqda shaqada lagaga joojiyey


Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com