Madaxweynaha Koonfur Galbeed  Oo saacadaha soo socdo kusoo wajahan Muqdisho (Muxuu yahay Qorshihiida?)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweyna Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socdo soo gaaro Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya kadib maalmo uu ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta oo uu heshiisyo kusoo saxiixay.

Madaxweyne Shariif Xasan  ayaa lagu wadaa inuu Magaalada Muqdisho ugasii gudbi Baydhabo halkaas oo la qorsheenayo inuu golihiisa wasiirada kula kulmo si uu sharaxaad uga bixiyo heshiisyada uu soo galay.

Shariif Xasan ayaa ku dhawaaqay inuu Xiriirka u jaray dalka Qatar isla markaasna uu Maamulka Koonfur Galbeed garab taagan yahay dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga, iyadoo la aaminsan yahay inuu lacago badan ku qaatay arrintaan sida ay sameeyaan qaar kale oo ka tirsan madaxda Maamul Goboleedyada.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka mid noqday maamullada Soomaaliyeed ee taageeray Sacuudiga iyo Imaaraadka go’doominta ay ku hayaan dalka Qatar, go’aankaasi kadib waxaa Shariifka u safray Imaaraadka iyada oo la filayo in safarka uu la xiriiro go’aankiisa uu ka qaatay xiisadda Khaliijka.

Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo hadda fasax ku jiro ayaa la filayaa in ay fariistaan bartamaha October si ay uga hadlaan arrimaha maamulka, qaar ka tirsan Xildhibaannada waxaa ay sheegayaan in 8 bil aaney qaadan wax mushaar ah.

Waxaa si weyn u xumaaday xiriirka u dhaxeeyo dowladda dhexe iyo Maamulada ka jiro Soomaaliyeed kuwaas oo bilaabay inay isticmaalaan awood aysan gaarin oo uu dastuurka kaliya u ogol yahay dowladda dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa wado qorshihii ay uga gudbi laheyd khilaafka cusub ee curtay isla markaasna loogu dhaqmi lahaa Dastuurka dalka u yaal