Hubkii lagu qabtay Boosaaso oo la sheegay inuu lahaa mid kamida Musharaxiintii la tartamay Farmaajo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Idaacadda Kulmiye oo kamid ah warbaahinta ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigtay warbixin ay ku sheegtay inay kusoo ogaatay ciddii iska laheyd hubkii dhawaan ay Puntland ku qabatay Doon.

Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Hubkii Maalmo ka hor Ciidamada Puntland ay ku qabteen Xeebta Magaalada Boosaaso uu lahaa mid kamida Musharaxiintii u tartamay Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Bishii February Ee Sanadkaan 2017.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Magaalada Boosaaso,balse diiday in Magacooda iyo Codkoodaba loo adeegsado Qalabka Warbaahinta ayaa KNN u sheegay in Hubkii lagu qabtay Boosaaso 23-kii Bishaan uu lahaa Siyaasiga lagu Magacaabo Saciid Cabdullaahi Deni oo ka mid ahaa Musharaxiintii la loo lamay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo 8-dii  February ee Sanadkaan.

Hubka ayaa la sheegay in laga soo iibiyay Dalka Yemen islamarkaana lagu soo dhex qariyay Doon siday Shixnado kala duwan,waxaana Hubka Gacanta ku dhigay Ciidamada Badda Puntland,kuwaas oo ku soo bandhigay Magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Saciid Cabdullaahi Deni uu Hubka ka soo iibsaday Wadanka Yemen,waxaana Siyaasi Saciid Cabdullaahi Deni  uu ka mid yahay Musharaxiinta Madaxweyne ee u Tartami doona Xilka Madaxweynaha Puntland 2019-ka.

Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland weli ma sheegin Cida leh Hubka ay Ciidamada Badda Puntland ku qabteen Xeebta Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Dhanka kale Xariir ay KNN la sameysay Siyaasiga Saciid Cabdullaahi Deni oo la sheegayo inuu leeyahay Hubka lagu qabtay Magaalada Boosaaso ee Puntland ayaan noo suuro galin in aan helno.

Xigasho: Radio Kulmiye