Xog: Axmed Shariif oo aan weli ka quusan tartankii loo galay xilka Galmudug!

Cadaado (Caasimadda Online) – Axmed Cali Hilowle (Axmed Shariif) oo ahaa musharixii la tartamay Xaaf ayaan weli ka quusan tartankii loo galay xilka madaxweynimo ee Maamulka Galmudug oo la ogaa in Maalin cad looga qaaday si xalaal ah.

Axmed Shariif oo ay markii hore Xildhibaanada Galmudug ka qaateen lacag xad dhaaf ah oo gaareysay ilaa 200 Kun oo Dollar ayaa weli iloobin taariikhdii uu Madaxweyne Xaaf ku dhigay doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Cadaado ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Galmudug.

Axmed Shariif oo xilligaas lacag siiyey ilaa 44 Xildhibaan ayaa guuldaro xanuun badan la kulmay, wuxuuna ilaa markii ay guuldaradaas ku dhacday uu bilaabay ololo ka dhan ah Madaxweynaha ka guuleystay intii uu ka shaqeyn lahaa danaha Maamulkaas.

Axmed Shariif oo Cadaado ku laabtay markii uu soo shaac baxay Khilaafka Madaxda Galmudug ayaa Magaalada Cadaado ka bilaabay jabhadeysi iyo inuu iska hor keeno Madaxda Maamulkaas isagoo doonayo in doorsho kale dhacdo iyadoo aan waqtigeeda la gaarin.

Axmed Shariif oo ah Mas’uul aysan Galmudug ka fileyn arrimaha noocaan oo kale ah ayaa hadda Magaalada Cadaado ku heyto 6 baabuur oo kuwa dagaalka ah iyo ciidamo saaran oo uu hoggaaminayo Taliyaha guutada 21-aad ee ciidamada Xoogga Soomaaliya Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro)  oo ay isku waqti ku laabteen Cadaado.

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ayaa sheegayo in Axmed Shariif iyo Liiban Shuluq oo ahaa gacan hayihii Cabdikariin Xuseen Guuleed ay hadda guri ku yaal Cadaado ka wadaan ololo ka dhan ah Madaxweyne Xaaf si ay uga faa’ideytaan Khilaafkaan oo ay u arkaan inuu yahay jaanis ay kusoo ceshan karaan Lacagtii uga baxday ololaha doorashadii dhawaan ka dhacday Cadaado.

Guriga ay dagan yihiin ayaa lasoo sheegayaa inay ku hareereysan yihiin ilaa 6 Cabdibile oo uu hoggaaminayo Taliye Cirre oo loo adeegsanayo inuu Magaalada Cadaado si xoog ah ugu qabto Shirqool lagu doonayo in lagu sheego in xilka looga qaaday Xaaf sidii lagu sameeyey madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosobole.

Wararkii ugu dambeeyey ee Magaalada Cadaado ayaa sheegayo in Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Carabey iyo ku xigeenkiisa ay ilaa shalay kulamo la qaadanayeen madaxweyne Xaaf, inkastoo aan la ogeyn waxa looga hadlay iyo natiijada kasoo baxday.

Wixii warar ah ee kusoo kordhan arrintaan waa idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.