Donald Trump oo dheg EEY laga dhex helay (warbixin xiiso leh iyo sawirro caddeyn ah)

By Saalax Saciid Sabriye

Milkiile eey ayaa adduunka ka yaabisay markii ay daaha ka qaaday in sawirka saxda ah ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay ku dhex aragtay dhexta eeygeeda.

Jade Robinson oo degan Jasiiradda Tyne & Wear ayaa waxay daaha ka qaaday in eygeedu uu sawirka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump dhegta ku leeyahay.

25 sanno jirkaan ayaa sawirkaas caddeynta ah soo dhigtay mareegaha Facebook, kaasoo ay markii dambe noqday wax ay adduunyadu ka hadasho.

 “Hagaag, qof walba oo dhegtiisa oo ku dhexyaallo sawirka Donald trump, xanuun badan ayey u leedahay,” ayey kusoo qortay barteeda Facebook… Taasoo ay ku muujineyso inay mucaaradsan tahay ninka haya Kursiga Aqalka Cad, inkastoo ay xaqiiqadu tahay in gabadhaani ay u dhalatay UK.

Halkaan hoose ayaad ka daawan kartaa sawirkaas cajiibka ah, iyo sida madaxweynaha 45aad ee Mareykanka Donald Trump looga dhexhelay dheg eey.

Kani waa sawirka cajibka ah ee adduunka qabsaday, dhegta eeygaan ayaana waxaa ka dhex muuqda sawirka Donald Trump
Sawirkaan aan calaameynay ee madaxweyne Donald Trump iyo midka ka muuqda dhegta eeyga miyeysan isku ekeyn?
Kani waa sawirka eeyga dhegtiisa laga dhex helay sawirka Donald Trump