29.9 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Madaxweyne Deni oo cafis u fidiyay in ka badan 100 qof

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa munaasabadda barakeysan ee Ciiddul-Fitriga awgeed cafis u fidiyey 127 maxbuus oo ku xirnaa xabsiyada Puntland, sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada.

Go’aankan cafiska ah ayaa qeyb ka ah dhaqanka soo jireenka ah ee madaxda dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe ay sameeyaan xilliyada ciidaha, iyagoo fursad siinaya maxaabiista qaarkood inay dib ugu laabtaan bulshada, isla markaana ay helaan nolol cusub.

Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu shaaciyey in maxaabiistan la cafiyey ay tiradoodu dhan tahay 127, kuwaas oo ku kala xirnaa xabsiyo ku yaalla magaalooyin kala duwan oo ka tirsan Puntland.

Magaalooyinka ay maxaabiistan ku xirnaayeen waxaa ka mid ah Badhan, Boosaaso, Qardho, Garoowe iyo Gaalkacyo, kuwaas oo ah xarumo muhiim ah oo ay ku yaallaan xabsiyada waaweyn ee maamulka Puntland.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa munaasabadda Ciiddul-Fitriga awgeed cafis u fidiyey 127 maxbuus oo ku xiran xabsiyada Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka, iyadoo sidoo kale lagu daray in maxaabiistaasi ay ku kala xirnaayeen magaalooyinka kor ku xusan.

Lama shaacin noocyada dambiyada ay galeen maxaabiista la cafiyey, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay u badnaayeen kuwo u xiran dambiyo fudud.

Si kastaba, cafiskan ayaan saameyn ku yeelan doonin xuquuqda madaniga ah, waxaana fulin doona Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyadoo la raacayo awaamiirta ku xusan xeerarka dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News