Madaxweynaha Somaliland oo safarkii ugu horeeyay ku tegay mid ka mid ah dalalka deriska: Sawirro

By Ali Muhiyaddiin

Jabuuti (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa socdaalkii ugu horeeyay ku tegay dalka Jabuuti oo ka mid ah dalalka deriska, waana safarkii ugu horeeyay ee uu dibada ugu ambabaxo tan iyo markii la doortay 13-kii diseember 2017.

Wafdiga Muuse Biixi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha DJabuuti kusoo dhoweeyay madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.Wasiirka arimaha dibedda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo ka mid ah wafdiga Muuse Biixi ayaa sheegay in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu martiqaad rasmi ah uu ka helay, halkaasina ay ugu bilaabaday booqasho mudo maalmo ah qaadan donoso.Labada dhinac ayaa waxay wada hadlayaan sii xoojinta xiriirka dhinacayada ganacsiga , socdaalka , nabadgelyada , siyaasadda iyo dhaqanka ee horey uga dhexeeyay