Madaxweynaha Somaliland oo tagay Farumaha dagaalka ee deegaanka Tukaraq +Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta tagay deegaanka Tukaraq oo ciidamada Somaliland ay kula dagaalameen ciidamada Puntland.

Dhaqdhaqaaqa maalmahaan uu ka waday gobolka Sool ayaa dareen ku abuuray Puntland, waxaana ay walaac ka muujiyeen socdaalka uu ku tagay magaalada Laascaano ee gobolka Sool.

Taliyaha ciidamada Somaliland oo saxaafadda kula hadlay aagga dagaalka Tukaraq ayaa madaxweyne Muuse Biixi, warbixin ka siiyay xaaladda guud ee deegaanka iyo ciidamada ku sugan farumaha dagaalka, waxaana uu kaga mahadceliyay safarkiisa.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Ciise Axmed Yuusuf oo wafdiga qeyb ka ahaa ayaa amaanay ciidamada Somaliland ee ku sugan Tukaraq, waxaana uu sidoo kale sheegay in safarka madaxweynaha uu yahay mid dhiirgelinaya ciidamada Somaliland.

“Hawshaas aad gashaan haku coloolyoobina, haddaad aragtaan guryihiinna iyo dadkiinna oo dayacan haku caloolyoobina, samaha aad gelaysaan, nafta aad u huraysaan iyo dalka waxa aad u qabanaysaan Ilaahay meel kaluu idinka siinayaa markaad si wanaagsan u gudataan, markaa dhibta aad qabtaan dheef-yaraanta jirta iyo hawsha marnaba shaydaanku yuu idinka wisiisiyin,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com