Fiqi oo war kasoo saaray kiiska musuq-maasuqa xukuumadda iyo wixii maanta ka dhacay BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay warbixintii guddiga maaliyadda baarlamanka ee musuq maasuqa ku eedeysay xukuumadda Kheyre, iyo is-difaacidda wasaaradda maaliyadda ee kulankii baarlamanka ee maanta. Hoos ka aqriso qoraal uu Fiqi soo dhigay facebook.

Axmed Macallin Fiqi:

NINKII DHUUMANAAYEE DHABARKIISU MUUQDAY!

Warbixintii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka, jawaab loogama dhigi karo;

1. In Xubnihii guddiga maaliyadda la kala jabiyo.

2. In Wasaaradda Maaliyadda ay warbixinno cay, aflagaado iyo heeso Golaha ka hor jeediso, ayagoon si waafi ah u bixin jawaabaha eedaymihii loo soo jeediyey.

3. In xildhibaanadii wasiirada ahaa qasab looga dhigo in ay shirkii maanta tagaan, sacbiyaanna marka ay maqlaan hadal u roon, iyo

4. In guddooomiye ku xigeenka labaad oo kulankii maanta shir guddoominayey uu golaha afduubo, ajandihii maanta la ansixiyeyna uusan xildhibaanada ka baxsan guddiga maaliyadda fursad u siin ay uga hadlaan.

Waxaa kulankii maanta ee golaha shacabka ka muuqday in aan la ogolayn isla xisaabtan iyo daahfurnaan ka dhex-dhacda golayaasha barlamaanka iyo xukuumadda, laakin madaxda iyo wasiirka maaliyadda la arkay ayagoo shacab ay meel ku soo xaraysteen dhex-fadhiya oo ku celcelinaya “Nala xisaabtama” iyo shacabka ayaa na xisaabinaya ayadoo taas ay manta dhabowday.

Kulankii maanta waxaa ka muuqday, isku dhexyaac wasaaradda maaliyadda ah, kalimado is-difaacid ah oo loo xoogayey wasaaradda maaliyadda ayadoon ajandihiiba la guda-galin, caburin xildhibaanada uu ku sameeyey ku simaha guddoomiyuhu iyo in la keeno golaha warbixinta guddiga maaliyadda oo uu guddoomiye ku xigeenka labaad dusha u saaray guddoonka golaha shacabka, cudurdaarna uu ka sameeyey.

Waa wax laga xumaado in kulankii maanta uu sidaas ku soo gabagaboobo, kaasoo ay aheyd in wasaaradda maaliyadda su’aallo badan oo ku saabsan warbixintii guddiga la weydiiyo, laakin in wasaaraddii iska hadasho ayadoon cidna wax weydiin, xildhibaanadiina afka la qabto, waxaan u malaynayaa in ay tahay nidaamka cusub ee isla xisaabtanka dawladeena.

Kulankii maanta ayaa daliil ugu filnaa umadda Soomaaliyeed in ay jirto wax dahsoon oo la daboolayey, ayadoo xaalku u ekaa ninkii dhuumanaayee dhabarakiisu muuqday.