Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada K/Galbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga cusub ee doorashada Koofur Galbeed ayaa maanta bilaabaya diiwaan gelinta musharixiinta Koofur Galbeed ee u tartamaya xilka madaxweynaha.

Waxaa saacadihii ugu dambeeyay magaalada Baydhabo ka socday kulamo kala duwan oo ay yeelanayeen xubnaha guddiga cusub ee doorashada, iyaga oo kaga hadlayay cadaadiska saaran iyo diiwaan gelinta musharixiinta.

Waxaa soo baxaya in maanta qorshaha uu yahay inay bilaabaan diiwaan gelinta xubnaha guddiga doorashada Koofur Galbeed, iyadoo aysan wali shaacin go’aanka ay ka qaadan doonaan seddex musharax oo la doonayay inay doorashada ka reebaan.

Xubnaha Guddiga ayaa Caasimadda Online u sheegay inay iska diideen dalabka ah inay xubno gaar ahaaneed ka reebaan doorashada Koofur Galbeed, ayna u wada siman yihiin musharixiinta tartameysa.

Xubnaha la doonayo in guddiga ka reebaan doorashada Koofur Galbeed ayaa waxaa kamid ah Mukhtaar Roobow Mansuur, Aadan Saransoor iyo taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka.

Shanta bisha soo socoto ee December ayaa qorshaha uu yahay in doorashada madaxweynaha ay a dhacdo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyadoo wali laga digayo dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com