Madaxweynaha Turkiga Erdogaan oo diray hanjabaad tii ugu cusleyd (Yey ku soctaa)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku goodiyay in ciidamadiisu ay la wareegi doonaan magaalada Afrin ee waqooyiga Siiriya.

Recep Tayyib Erdogan, ayaa sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay la wareegida magaalada Afrin, waxa uuna magaaladaasi ku sheegay mid ahmiyad gaara u leh ciidamadiisa.

Recep Tayyib Erdogan, waxa uu tilmaamay in xukuumada Ankara ay bilowday duulaanka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ee Kurdida (YPG).

Recep Tayyib Erdogan,ayaa Xisbiga haya talada dalka u sheegay in ciidamada Turkiga ay casharo u dhigeen kooxaha xagjirka ee Kurdida (YPG), waxa uuna ku goodiyay inay dhameystiri doonaan magaalooyinka kale ee kamaqan gacanta ciidanka.

Nuqul kamid ah haddalka Erdogaan ayaa ahaa “Hawlgallada Afrin ayaa sii socon doona illaa iyo inta laga nadiifinayo kooxaha argagixisada,”

Hanjabaadaha isdaba jooga ah ee uu jeedinaayo madaxweynaha Turkiga ayaa muujineysa kalsoonida sii kordheysa ee dalka ee ku aaddan howlgalkeeda milatari ee ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee Kurdiyiinta ee gobolka Afrin iyo in si guul leh ay ku soo afjaraan 50 maalmood ka dib dagaal xooggan.

Si kastaba ha ahaatee, Erdogaan ayaa ku nuux-nuuxsaday in kooxaha xagjirka ee Kurdida (YPG), ay ka daran yihiin Daacish, hase ahaatee ay u dhigi doonaan cashar adag.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com