Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa oo si weyn loogu soo dhoweeyay Garoowe + Sawiro

Garoowe (Caasimada Online): Maamulka gobalka Nugaal,midka degmada Garoowe iyo boqolaal ka tirsan dadweynaha magaalada Garoowe ayaa isugu soo baxay soo dhoweynta iyo maamuska maanta loo sameeyay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxa kaas oo gaaray magaalada Garoowe.

Dadka ayaa sii tubnaa jidadka soo gala magaalada ilaa garoonka diyaaradaha iyagoo wata calamo qoyan iyo sawirada Juxa, ciidanka amaanka ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa soo dhoweynta Garoowe loogu sameeyay Juxa.

Isagoo wariyaasha la hadlayay ayuu Juxa sheegay “waxaan ahay nin kusoo laabtay gurigiisa, waxaan dhamaantiin idinkaga mahadcelinaya inaad saacado badan qoraxda u joogteen aniga darteey.

Juxa ayaa sheegay in xaalada Puntland ay mareyso meel ay tahay in laga fakaro cida lagu aaminaayo, waxaa uu sheegay in Puntland ay tahay meesha ay ka bilaabatay rajada muuqata ee Dowladnimada Somalia.

Wuxuu dadka reer Puntland ugu baaqay iney midnimada xoojiyaan waxaanna kadib loo soo galbiyay gudaha magaaladda Garoowe.

Ilo madax banaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Juxa uu kulamo la qaadan doono maalmaha soo aadan odayaasha deegaanka, dhallinyarada iyo aqoonyahanada xili sanadka soo aadan ay Puntland ka dhici doonto doorasho madaxweyne.

Juxa ayaa ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya tan iyo markii looga qaaday xilka wasaarada arrimaha gudaha khilaaf u dhaxeeyay isaga iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com