Jawaari oo saxiixay Heshiis lagu dhisayo Villa Hargeysa & Golaha Shacabka kana hadlay qorshaha dib u dejinta Dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ayaa maanta soo bandhigay heshiis ay isla maanta kala saxiixdeen dowladda Turkiga kaas oo lagu dhisayo xarunta KMG ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya ee ay hadda ku shaqeeyaan.

Gudoomiye Jawaari oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in heshiiskaas lagu dhisaayo xarunta ay hadda ku shaqeeyaan uu qaadanayo muddo gaareysa 5 bilood isaga oo xusay in kaddibna la dhisaayo Xarunta Guriga Umadda ee uu Baarlamaanka leeyahay.

Dowladda Turkiga waxaa u hadlay Safiirkeeda Soomaaliya oo isna sheegay in dowladda Turkiga ay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya.

Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxa uu tilmaamay in Hay’adda TIKA ay dhiseyso golaha shacabka Soomaaliya isaga oo sheegay in marka la dhiso  xarunta weyn ee Guriga Umadda ay halkaas u guuri doonaan golaha shacabka.

Sidoo kale, Jawaari oo maanta ka hadlayay furitaanta kalfadhiga 3aad ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa xukuumadda federaalka ka codsaday inay dardar geliso ballan qaadyo dhowr ah oo ay soo jeediyeen kal fadhigii kan ka horreeyay.

Wuxuu sheegay in muddada yar ee ay haystaan inta lagu gudo jira kalfadhigaan ay isku dayi doonaan,dib u dejinta dastuurka, habaynta hay’adaha difaaca Dalka, sal u dhigidda fadaraalaynta Dalka , Dimoqaraadiyeynta Soomaaliya, ka go’aan gaaridda maqaamka Magaala madaxda Dalka ee Muqdisho.

Guddoomiye Jawaari ayaa  si weyn ugu nuux-nuuxsaday in loo baahan yahay in siyaasadda difaaca Dalka iyo hay’adaha ku shaqada leh wax laga beddelo maaddaama aysan xilligani la jaan qaadi Karin shuruucdii ka degsanayd muddadii u dhexeysay 1960 illaa 1972.

Sidoo kale, Jawaari ayaa dul istaagay wax qabadkii xukuumadda oo ay ka mid yihiin soo deynta maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnayd Dalal shisheeye, hir gelinta xarumo Dowladeed oo aad u fara badan, goobahaas  oo ay booqasho ku tageen xubnaha Labada Aqal ee Baarlamanka.

Dhismaha garsoor madax bannaan oo uu shacabku ku kalsoonaan karo, ayuu sheegay Guddoomiye Jawaari inuu udub dhexaad u yahay hannaanka Dowladnimada , isla markaana loo baahan yahay in dib eegis lagu sameeyo Garsoorka Dalka.

Guddoomiyaha ayaa  tilmaamay sidoo kale in shuruucda haatan loo maro nabadaynta Dadka loo baahan yahay in dib u sixid lagu sameeyo , maddaama uusan xilligan Dalka ka shaqayn karin qodobka ka degsan dib u heshiisiinta wadciga jira awgii.

Safarkii  uu Madaxweynaha ku tagay qaybo ka mid Gobollada Dalka ayuu guddoomiyhu ku sheegay guul Taariikhi ah oo u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inuu Safarkiisu  qayb ka ahaa dib u heshiisiinta Dadka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii, Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayuu ugu baaqay inay dardar galiyaan howlaha horyaal, si meesha looga saro shaqooyinka qabyada u ah dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com