Madaxweynaha Turkiga Mr Erdogan oo Muqdisho imaanaya

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha dalka Turkiga Raccep Dayip Erdogan uu kusoo wajahan yahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Jariirad kasoo baxda dalka Turkiga ayaa shaacisay in madaxweyne Erdogan uu qorsheynayo inuu yimaado magaalada Muqdisho si uu kaga qeyb galo furitaanka mashaariic kale oo dowladdiisa ay ka hergelineyso dalka Soomaaliya.

Jariirada oo soo xiganeyso masuuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga ayaa sheegtay in xukuumada Ankara ay waddo qorshe ay magaalada Muqdisho bisha April kaga fureyso saldhiga ugu weyn ee Meletari, kaasi oo lagu tababarayo ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Saldhiga uu Turkiga ka dhisayo deegaanka Jazeera ayaa sida wararka ay sheegayaan waxaa ku baxaya lacag gaareyso 50 Milyan oo doolar, wuxuuna noqonayaa saldhiga Turkiga ku leeyahay dibbada midka ugu weyn.

Sida wararka ay sheegayaan safarta Erdogan ayaa la xariira sidii uu xariga kaga jari lahaa saldhigaasi lagu tababarayo ciidamada xooga dalka Soomaaliya, waxaanse la ogeyn danta uu Turkiga ka leeyahay.

Abaanduulaha guud ee Ciidamada Turkiga ayaa la filayaa inuu qeyb ka noqdo wafdiga soo raaci doona madaxweynaha Turkiga si ay kaga qeyb galaan xaflada furitaanka saldhiga Turkiga ee Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com