Nabadoonka Qowmiyada Eritrea ee Somalia oo Fariin qiiro leh u diray Farmaajo (Akhriso)

Nairobi (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ka hadlay Cadaalad falka iyo sinaanta Shacabka ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Nabadoonka Qowmiyada Eriteria ee Somalia Nabadoon Fikak Ali Cumar.

Nabadoon Fikak Ali ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ay ka dalbanayaan xuquuqda ay ku leeyihiin dalka waxa uuna Nabadoonka cadeeyay in dalkaani ay ku noolyihiin faracii 5aad.

Nabadoon Fikak Ali Cumar ayaa sheegay in Qowmiyada Eriteria ee Somalia ay dalka ku leeyihiin Hanti maguurto ah, isla markaana la xaqiray xuquuqdooda.

Nabadoon waxa uu tilmaamay in Dowladihii ka horeeyay Madaxweyne Farmaajo aysan ka jawaabin hadalada ay u marinayaan warbaahinta, waxa uuna ku baaqay in Dowladaani ay noqoto mid mudnaan siisa Qowmiyada Eriteria ee Somalia.

”Waxaan tabaneynaa cadaalad dari Somalia wey na dhaleen weyna noo dhaleen waxaan u baahanahay in la simo cadaalada oo Dowlada Somalia ay ka jawaabto dhambaalada aan hawada u marineyno”

”Dalkaani waxaan ku noolnahay faracii 5aad waxaana ku daganahay boqolaal qoys oo aan heysan xuquuq iyo gacaltooyo toona waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa inuu nala simo kuwa xuquuqda lasiiyay”

Nabadoon Fikak Ali Cumar, waxa uu tilmaamay inay dhiigooda u hureen Somalia isla markaana ay ku waayen nolosha Lixdameeyo Saraakiil iyo Korneelo, hayeeshee aysan iminka heysan wax xushmad ah marka loo eego daryeel la’aan ka heysata Dowlada.

”Dowladii Siyaad Barre waxaan ku laheynay Saraakiil, Korneelo, Siyaasiyiin waxaan la sineynay kuwa kale waxaan garan la’ahay sababta looga jawaabi la’ yahay baaqeena miyaanan xushmad laheyn ama aan la maqal baaqeena”

Nabadoonka Qowmiyada Eriteria ayaa ku qeyla dhaamiyay inaan muuqan xuquuqooda iyo kaalinta ay ku lahaayen Xoriyada Somalia.

FARIIN KU SOCTA MADAXWEYNE FARMAAJO

Anigoo ah Nabadoonka Qowmiyada Eriteria ee Somalia Fikak Cali Cumar waxaan ka dalbanayaa Madaxweynaha Somalia inaan la dhaawicin himiladeena isla markaana la xaqiijiyo xuquuqdeena.

Waxaan Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ugu baaqayaa inuu soo celsho xuquuqda Boqolaal Qoys oo Qowmiyada Eriteria kuna dhaqan Somalia hadana aan heysan Xuquuq iyo Xushmad toona.

”Waxaan cadeynayaa in Dowlada kuraas laga siiyay Qowmiyado aan kaga soo horeynay dalka anaguna aan meel laga soo qaadin baaqeena, waxaan dalbanayaa in Madaxweynaha uu ka dhabeeyo Cadaalada uu nasiiyo waxa aan xaqa u leenahay”

”Wadankaani waxaan ku leenahay Hanti maguurto ah balse waxaan tabaynaa Xuquuqda aan ku leenahay awood qeybsiga maadaama Lixdameeyo Saraakiil iyo Korneelo aan ku weynay halgankii Qaranimada Somalia”

Waxaan ku baaqayaa in Dowlada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ay garwaaqsato Xuquuqda naga maqan oo aan wali loo helin dawo.

Ugu danbeyntii waxaan Madaxweynaha ka codsaneynaa inay la imaadan isbedel Siyaasadeed oo lagu soo celinaayo Cadaalada iyo Xuquuqda Umadda.

W.Q: Nuuradiin Maxamed Nuur (Farad)

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com