Beledweyne (Caasimada Online) – Iyadoo magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan uu ka dhacay shir u dhexeeyay Madaxweyne Xassan, Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo tirro Odayaal ah, ayaa waxaa soo baxaaya warar ku saabsan kulankii ay Dowlada ku kala jabisay Odayaasha.
Odayaasha qaar ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay si lama filaan ah u kala dhantaashay Odayaasha Gobolka, waxa ayna tilmaameen in qaarkood loo balanqaaday xilal, halka qaarna ay sheegen inay doonayaan xilal intaasi kabadan.
Nabaddoon Cismaan Dhicisoow Dhuuboow oo kamid ah Odayaasha qaatay go’aanka Dowlada ee dib loogu laabanaayo shirka ka socda magaalada Jowhar oo u waramaayay Idaacada MMC ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh ay ka heleen ballanqaad ay aad ugu qanceen.
Nabadoon Dhuuboow, ayaa wareysigiisa ku sheegay in kulankii ay la qaaten Madaxweyne Xassan Sheekh uu ka danbeeyay kadib markii loo ballanqaaday in lasiin doono xilal Siyaasadeed iyo mid Ciidan, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in Beeshooda lagu raali galin doono xilal ay ku qanceen, waxa uuna sheegay in labo Jeneraal Ciidan oo uu midi fadhiga ku magacaabay Madaxweynaha, Safiir, Qunsul iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir islamarkaana ay ku qanceen balanqaadkaasi.
Nabadoon Dhuuboow, waxa uu sheegay in magacaabida Janaraalka iyo ballanqaadka kadib ay saxiixeen inay dib ugu laabanayaan shirka Jowhar, waxa uuna carabka ku dhuftay inay aad ugu qanacsan yihiin ballanqaadyadaasi.
Waxaa uu sheegay in xilalkaasi Madaxweynaha uu Wareegto ku soo saari doono, waxaana uu ka gaabsaday waxa uu ka ogyahay Beelaha kale ee lagu qanciyay in ay ku biiraan Shirka Jowhar.
Docda kale, Beelaha qaar ayaa ka horyimid Shirka Jowhar in ay dib ugu laabtaan,waxaana Odayaashii Hiiraan ay Dowladdu u kala qeybisay qeyb raacday iyo qeyb ka hortimid.
[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/03/dhuubow.mp3″]
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

