Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo kusoo fara-gelinayo xiisaddii dhulka ee ka taagneyd Hargeysa, isaggoo amray Maayar Cabdikariin Axmed Mooge inuu joojiyo qorshaha dhismo ee xarunta 26 Juun.
Muuse Biixi ayaa hakiyay dhismaha ay dowladda hoose ee Hargeysa u qorsheysay in ay ka dhisto suuqa Xisbiga, kaas oo uu ka dhashay muran xoogan.
Dhismaha ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa in halkaas oo ay hadda dagan yihiin dad shacab ah laga dhiso xarunta degmada 26 June.
Arrintan ayaa dhalisay xiisad xoogan, waxaana khilaaf uu soo kala dhex-galay Maayar Mooge iyo xildhibaano uu kamid yahay Barkhad Baatuun oo ka horimid dhismahaaasi iyo in la barakiciyo dad danyar ah oo haatan ku ganacsada suuqa laga rabo in la dhiso.
Muuse Biixi ayaa u muuqda in uu la saftay garabka xildhibaanada diidan in halkaasi laga dhiso xarunta degmada 26 June, isaga oo amar madaxweyne ku hakiyay qorshaha dowladda Hoose.
Go’aanka madaxweynaha ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Axmed Mooge uu ka maqan yahay caasimada Somaliland, lamana oga tallaabada xigta ee uu qaadi doono.
Dhulka lagu murunsan yahay ayaa hadda ah suuq ay ku ganacsadan dadkii uu ka gubtay suuqa Waaheen, ee weli dhismihiisu qabyada yahay, wuxuuna maamulka dowladda Hoose ee Hargeysa u asteeyay in laga dhiso xarun degmo.