Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo kala duwan oo xalay laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan degmooyinka Waaberi, Boondheere iyo Yaaqshiid.

Khasaaraha ka dhashay weeraradan ayaa lasoo warinayaa inuu kordhay, waxaana waxyeelo u badan dhaawac ay soo gaareen dad shacab ah oo carruur u badan.

Boodheere waxaa lasoo wariyay in 4 carruur ah ay ku dhaawacmeen hal goob, kadib markii uu ka dhacay hoobiye, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Carruurta dhaawacantay ayaa si deg-deg ah loola cararay qaar kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo xaaladdooda caafimaad.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay wararka ku saabsan in wixii xalay dhacay ay ahaayeen dheemish, sida lagu baahiyay baraha bulshada.

“Wax musiibo ah ayaa soo dhacay 4 canug ayaa wax ku gaartay, dadka qaar waxa ay leeyihiin dheemshi waayey, laakiin dheemish waxna ma dhaawac yeelo, waxna ma dilo” ayuu yiri mid kamid ah deegaanka.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Carruurta marka ay dhaawacmaayeen waxa ay ku ciyaarayeen bannaanka hal mar ayaana ka war helnay jugta, waana wax soo dhacay” .

Qarax labaad ayaa isna xalay ka dhacay ka dhacay isgoyska Dabka, gaar ahaan agagaarka saldhigga booliska ee degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Qaraxaas noociisa wuxuu ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay, waxayna ku jirtay Bac-madow, sida ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidamada ammaanka ayaa ka war-helay in qaraxaas Meesha la dhigay, kadibna waxaa la xiray wadada, waxaa laga ag fogeeyey dadkii, kadibna waxaa la dalbay miino baar, balse inta uusan imaan miino baarkii ayey qaraxday.

Si kastaba, Amniga magaalada Muqdisho ayaa soo hagaagayey maalmihii u dambeeyey waxaana meel kasta la dhigo ciidamo baaraya dadka iyo gaadiidka, dadaalka hey’adaha amniga ayaa Meesha ka saaray weeraradii Khawaarijta.