Madaxweyne Donald Trump: Somalia dowlad kama jiirto

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Soomaaliya, isaga oo sheegay in dalka aysan ka jirin wax dowlad ah.

Trump ayaa u gefay Soomaaliya xilli uu weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali Mareykan ah oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, kana mid ah xisbiga Dimoqraadiga.

“Ilhaan Cumar waxay ka timid meel aysan xitaa ka jirin dowlad, haddana halkan ayey imaneysaa oo waxay noo sheegeysaa sidii aan u maamuli laheyn dalkeena,” ayuu yiri Trump oo la hadlayey taageerayaashiisa.

Hadalka Trump ayaa imanaya isaga oo dhowaan la-taliyayaashiisa sare u sheegay inuu doonayo in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen warbaahinta Bloomberg.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 700 oo askari, kuwaas oo badankood ah ciidamo gaar ah oo gacan ka geysta tababarka ciidamada Soomaaliya. Dhammaan ciidamadan ama badankood ayaa waxaa la diray intii uu Trump xukunka hayey.

Inkasta oo Trump uu sheegay inaysan dowlad ka jirin Soomaaliya, haddana waxaa is-weydiin mudan sababta uu safiir ugu soo magacaabay dalka, islamarkaana dowladdiisa ay lacag badan ugu bixiso taageerada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Isaga oo ka jawaabaya hadalka Trump, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu dalbaday in lasii wado taageerada militari ee Mareykanka uu siiyo Soomaaliya.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiia twitter-ka ayuu madaxweyne Farmaajo ku yiri “Taageerada militari ee Mareykanka uu siiyo Soomaaliya waxay noo ogolaatay inaan si wax ku ool ah ula dagaalanno Al-Shabaab, oo aan sugno Geeska Afrika.”

“Guul laga gaaro safarkan, saaxiibtinimada Mareykanka iyo Soomaaliya, waxaa loogu guuleysan karaa sii wadista iskaashiga amni, iyo taageerada awood dhisidda,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.