Madaxweyne Erdoğan oo laga helay COVID-19 iyo wararkii ugu dambeeyey xaaladdiisa

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta sheegay in laga helay cudurka COVID-19, balse uusan dareemeyn wax xanuun darran ah.

“Kadib markii aan dareemay astaamo fudud, xaaskeyga iyo aniga waxaa nalaga helay COVID-19. Waxaan qabnaa oo kaliya caabuq kooban Allah mahadiis, waxaana ogaanay inuu yahay nooca Omicron,” ayuu Erdogan ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka.

Erdoğan ayaa lagu waday inuu maanta ka qeyb-galo munaasabad ka dhaceysa gobolka ku yaalla waqooyiga Turkey ee Zonguldak hase yeeshe waxa uu hadda kaga qeyb-geli doonaa hab fogaan arag ah.

“Waxaan gudaneynaa waajibaadkeena, waxaana shaqadeena kasii wadi doonnaa guriga. Waxana idinka codsaneynaa inaad noo duceysaan,” ayuu yiri madaxweynaha Turkey.

Erdoğan ayaa toddobaadkan aad u mashquul badnaa, wuxuuna ka qeyb-galay kulamo badan, taasi oo loo badinayo inuu cudurka ka qaaday.

Waxa uu ka qeyb-galay kulan ku saabsan shaqada macallimiinta Turkey, shirka golaha wasiirada iyo kulanka ganacsatada ee magaalada Ankara.

Erdoğan ayaa sidoo kale Talaadadii la kulmay wafti ka socday dalka Lebanon oo uu hoggaaminayey ra’iisul wasaaraha dalkaas Najib Mikati, wuxuuna sidoo kale booqday dalka Ukraine isaga oo ay wehliyaan xaaskiisa, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo suxufiyiin. 

Erdogan ayaa Kyiv kula so kulmay dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelenskyy iyo xubno kale oo ka mid ah saraakiisha dowladda, isaga oo isku dayaya inuu xal u helo xiisadda Ukraine iyo Russia. 

Kahor inta aanu kasoo bixin Ukraine, Erdoğan ayaa waxaa ka muuqday daal xooggan, waxaana codkiisa laga dareemayey inaanu caadi aheyn, isaga oo sidoo kale dhowr mar hindhisay xilli uu suxufiyiinta kula hadlayey shir jaraa’id.