Maxaa ka dhalan kara inuu Lafta Gareen tirtiray jiilkii 1-aad ee siyaasadda K/Galbeed?

Baydhabo (Caasimada Online) – Koonfur Galbeed waa meesha ugu badan oo illaa hadda la beegsaday siyaasiyiintii waqtiga dheer saarnaa Kuraasta Baarlamaanka Federaalka ah.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo fulinayo dooq siyaasadeedka madaxweyne Farmaajo iyo danihiisa gaarka ah ayaa cagta marinaya inta badan siyaasiyiintii loo yaqaanay Remote-ka siyaasadeed ee deegaanada Koonfur Galbeed.

Dooda ka taagan isbadalkaan waa laba nooc, mid waa sida u uu dhacayo isbadalka, midna waa dadka uu keenayo Laftagareen.

Inkastoo uu Kuraas soo siiyey dhowr qof oo kamid ah siyaasiyiintii cabqariga ahaa ee deegaanka, haddana inta uu gacantiisa ku jaray ayaa badan, welina waxaa la sheegayaa inuu rabo inuu qaar kale bixiyo.

Xubnahaan qaarkood si toos ah ayaa loogu diiday tartanka, danta laga leeyahay in la bixiyo waxaa loo arkaa inaysan aheyn aragti deegaan, balse ay tahay rabitaanka Farmaajo iyo damac gaar ah oo uu Laftagareen leeyahay kaasoo aan weli kor loo sheegin.

Waxaa jiro dad badan oo reer Koonfur Galbeed oo taageersan in la bixiyo siyaasiyiinta waqtiga dheer saarnaa kuraasta, laakiin doodda dadkaas waxay tahay yaa lagu badalayaa?

Da’da siyaasaddu waa saddex jiil, Lafta Gareen wuxuu bixinayaa siyaasiyiinta da’ isku xirkoodu tahay 60 Illaa 80. Kooxdaan waxaa loo arkaa inuu qaarkood ku saxan yahay inuu bixiyo, laakiin in siyaasi 60 Jir ah lagu badalo mid 25 Jir ah waa dood dhaqaaqi la’.

Jiilka 60-ka ka weyn ee Koonfur Galbeed waxaa sugayey in muddo ah oo qaarkood ay siyaasadda ku jiraan hadda Jiilka afartameeyada.

Cabdicasiis inuu badalo Jiilka Koowaad dad badan waa ugu garaabeen oo waxaa muuqata in lagu caajisay kooxdaas, laakiin inuu Jiilkii Dhexe ka booday isagoo baqdin ka qaba uuna u booday jiilka 25 jirada ma caawineyso siyaasadda deegaanka, ayey leeyihiin siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Koonfur Galbeed.

Inaad diido wasiir Cabdirashiid LLC, Wasiir Fargeeti, Wasiir Xaamud, Senator Xuseen, Senator Ilyaas, Wasiir Jaamac, Wasiir Hoosow iyo ragga la midka ah oo aad aado 25 jiro aan waligood fadhi siyaasadeed tagin uma daneeneyso dadka iyo deegaanka, waana abuuridda is eryasho siyaasadeed ayey leeyihiin dadka diidan jiilka uu Laftagareen doortay, isagoo mararka qaar sheegaya inuu raadinayo isbadal wanaagsan.

Haddaba maxaa ka dhallan kara in jiilkii Koowaad ee siyaasadda Koonfur Galbeed lagu badalo Jiilka Seddexaad iyadoo la inkirayo Jiilka Labaad ee hadda dhex taagan siyaasadda?

Dadka reer Koonfur  Galbeed oo aan wax ka weydiinay doodaan waxay leeyihiin arrintaan waxay abuureysaa in Jiilkii Labaad ee la inkiray inay beegsadaan hoggaanka Deegaanka, abuuraan dodo iyo halgan ay ku xaqiijinayaan xaqooda oo si weyn la isku eryado.

Tani waxay bixineysaa Cabdicasiis laftirkiisa, dhallinayarada hadda lasoo xaabiyeyna waxay ku keeneysaa inay deg deg siyaasadda uga baxaan, maadaama aan la gaarin saacadoodii.

Doorashada hadda ka socoto dalka oo dhan Koonfur Galbeed waa meesha qura oo 60-jiradii badalayaan 25 jiro, balse maamulada kale waxaa jirta xisaab ku socota habka saxda ah ee waafaqsan cimri siyaasadeedka, mana jiro maamul kale oo barakinaya jiilkiisii Koowaad kuna badalayo midka Sedexaad isagoo ka boodaya Jiilka Labaad oo ay siyaasaddu u bilaaban tahay.

Doodaan way xoogan tahay hadda, weli doorashadii Dalka waa socotaa, Dad badan waxay kula talinayaan hoggaamiyaha Koonfur Galbeed inuusan qaldin da’ siyaasadeedka si aysan Dadka deegaanka ugu fashilmin fagaaraha wax qeybsiga Soomaalida oo uu inta dhiman ku saleeyo Jiilka Koowaad oo lagu badalayo Jiilka Labaad.