Villa Somalia oo dacwad u gudbisay The Globe and Mail kadib warbixintii xasaasiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dacwad u diray wargayska caanka ah ee The Globe and Mail ee kasoo baxay dalka Canada, kaasi 20-kii bishii la soo dhaafay lagu daabacay warbixin ku saabsanayd in ciidanka Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalka Eritrea ay xasuuq ka geysteen gobolka Tigray ee dalka Ethiopia.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku hanjabtay inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto wargayska the Globe and Mail, haddii aanu soo bandhigin xaqiiqda dhabta ah ee ay ku sulaysan tahay warbixinta ay dowladdu ku tilmaamtay in ay tahay been abuur.

“Warbixintiinnu waa mid si cad loogaga been abuurtay ciiddanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo aan marna farogelin arrimo dalal kale. Ciiddankeenna geesiyaasha ah oo u taagan difaaca dalka iyo dadkayaga, marna ma aha kuwo ku xadgudba xuquuqda aadanaha, sida aad warbixintiinna been abuurka ah ku sheegteen,” ayaa lagu yiri dacwadda xafiiska warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya.

Wargeyska The Globe and Mail ayaa sheegay inuu helay caddeymo goobjoogeyaal oo muujinaya in ciidamo Soomaali ah oo ay wehliyaan kuwa Eritrean ah ay xasuuq ka gaysteen gobolka bilihii hore ee dagaalkan, oo billowday bishii November ee 2020.r

Caddeymahan ayaa dhalinaya su’aalo argagax leh oo ku saabsan isbaheysiga militari ee u dhaxeeya Ethiopia, Eritrea iyo Soomaaliya, kaasi oo burbur iyo dhimasho badan ka horseeday gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia.

Gebretsadik, oo ah 52 jir beeraley ah oo degan xaafadda Zebangedena ee gobolka Tigray, ayaa sheegay in waddooyinka xaafadiisa ay daadsanaayeen meydka baadariyaal kaniisad bishii December 2020, dhowr toddobaad kadib markii uu dagaalka billowday.

Wargeyska The Globe and Mail ayaa la hadlay tobaneeyo dad oo ka badbaaday balse goobjoog u ahaa xasuuq ka dhacay lix xaafadood oo ka tirsan Tigray, oo ay gaysteen ciidamada Soomaalida ee halkaas saldhigga uu u ahaa intii u dhaxeysay December 2020 illaa Febraayo 2021.

Hakaan hoose ka akhriso dacwadda ay gudbisay Soomaaliya