Dhageyso: Cod sir ah oo laga duubay shirqool ka dhan ah Axmed Madoobe oo lagu dejiyey magaalada Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiiro hore oo federal iyo siyaasiyiin ayaa billaabay qorshe ay ku diyaarinayaan maleeshiyo hubeysan oo xukunka ka tuura madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online u sheegay in 30-kii Janaayo, ay koox mucaarad ah oo uu hoggaaminayo wasiirkii hore ee gaadiidka ee dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Salaat Oomaar ku kulmeen hotel ku yaalla Nairobi, halkaasi oo ay uga hadleen qorshe xasilooni-darro looga abuurayo Jubaland.

Cod si sir ah looga duubay kulankaas, oo ay heshay Caasimada Online ayuu Oomaar ku leeyahay ““Waxaan ahay dadka aaminsan in la beddelo, in lala dagaalamo, haddii lala jabhadeynayo lala jabhadeeyo, haddii dad ku dhimanayaan lagu dhamaado, kow laga soo billaabo, laakiin Axmed wax walba oo loo isticmaalayo in loo istcimaalo ayaan aamisanahay,”

Waxa uu intaas ku daray “waxaan haysanaa dhammaan hababka macquulka ah ee Axmed Madoobe looga eryayo Jubaland ayada oo la adeegsanayo maleeshiyo hubeysan.”

Oomaar ayaa jiritaanka kulankaas iyo codka la duubayba ku xaqiijiyey wareysi uu siiyey taleefishin lagu magacaabo SSTV, isaga oo sheegay inaanu hadalkaas la gabaneyn balse uu aaminsan yahay.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale fadhiyey Cabdi Cali Raage, oo ah la-taliyaha madaxweyne Farmaajo ee arrimaha doorashada. 

“Waxaan u baahanahay inaan dedejino qorshaheena, si aan u xaqiijino in Axmed Madoobe xukunka looga tuuro hab kasta oo ay noqoto,” ayuu yiri Cabdi Cali Raage. 

Bishii July 2021, maamulka Jubaland ayaaa Cabdi Cali Raage u diiday inuu soo galo Jubaland, ayada oo diyaarad sidday loo diiday fasax ay kusoo cago dhigan laheyd garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Madaxa boolisa gobolka Jubbada Hoose Isxaaq Maxamuud ayaa xilligaas ku eedeeyey Cabdi Cali Raage inuu qorsheynayey inuu rabshado ku huriyo Jubaland. 

Qorshahan lagu dejiyey Nairobi, iyo xaqiiqda ah inuu ku lug leeyahay la-taliyaha Farmaajo, ayaa shirqoolkan mar kale ku xiraya Villa Somalia oo marar badan isku dayday inay xukunka ka tuurto Axmed Madoobe balse ku fashilantay.

Isku-dayadii fashilmay ee kooxda Farmaajo sameysay shantii sano ee lasoo dhaafay waxaa kamid ah mid la rabay inay Kismaayo kasoo xiraan madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, ayaga oo adeegsanaya ciidanka Itoobiya.

Dhacdan oo la diiwaan-geliyey bartamihii 2019-kii waxaa dib uga sheekeeyey Cabdullaahi Maxamed Nuur (Nasri) oo sheegay in uu kamid ahaa shaqsiyaad kooban oo hay’ada sirdoon qaranka isku daydey inay u adeegsato “burburinta” Jubaland.

Hoos ka dhageyso codka sirta ah ee Oomaar iyo Cabdi Cali Raage