Xog: Qoor Qoor ma wuxuu rabaa inuu HOP#147 u xiro xildhibaan Mahad Salaad?

Guriceel (Caasimada Online) – Loolanla Kursiga HOP#147 ee laga leeyahay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa kor u kacay saacadihii lasoo dhaafay kadib markii ay soo baxeen hadalo xooggan oo runta u dhaweeyey in Qoor Qoor uu ka fakarayo in Mahad Salaad uu si walbaba kusoo laabto Kursigaas.

Kursigaan oo ay raadinayaan illaa iyo 10 musharax waxa uu kamid yahay kuwa sida gaarka ah isha loogu wada hayo, waxaana maanta liis lasoo saaray.

Xog ka timid dhanka Villa Somalia ayaa la sheegay inay hurdada ka tootisay musharixiintii kursigaan. Laba cisho kahor, hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor waxa uu kulan la qaatay Farmaajo, Fahad Yaasiini iyo Laftagareen.

Kulanka afarta nin waxaa la sheegay inuu inta badan daarnaa arrimo la xiriira Kuraasta Golaha Shacabka oo ay gacanta ku hayaan Laftagareen iyo Qoor Qoor.

Intii uu socday wada-hadalkaan, Qoor Qoor ayaa kooxda u sheegay inuu ka fakarayo inuu kursiga HOP#147 siiyo Mahad Salaad waa sida aan xogta ku helnay, taas oo dood badan ka abuurtay kulanka.

Farmaajo iyo Fahad waxaa la sheegay inaysan ku qacin arrintaas oo hadalku uu ka taag taagmay dhinacyada. Doodaan ma dhammaan waxaan dib loo dhigay inta uu Farmaajo kasoo laabanayo Addid Ababa sida ay wararka sheegayaan.

Farmaajo haddii uu kursigan Mahad Salaad kusoo baxo codna waa ku dhaafay halkaas saaxiibkiis Cali Yarana waa ku kursi la’yahay.

Markii ay arrintaan soo baxday waxaa la xaqiijiyey in musharixiinta kursigaan ay ballan ka qabsadeen Qoor Qoor oo ay la kumeen, kulankaas Qoor Qoor si toos ah uma dhihin Kursigaas waxaa siiyey Mahad Salaad, laakiin waxaa la sheegay inuu musharixiinta dhowr jeer ugu maahmaahay qaab muujineysa halka uu kursiga u socdo.

Musharixiinta qaar iyo hoggaamiyaha Galmudug ayaa la sheegay inuu waraka ku adkaaday, illaha aan la hadalnay waxay sheegeen inuu Qoor Qoor markii dambe ku yiri kursiga waa tartan ee usoo diyaar garooba, laakiin kooxda warkaas aad uguma qancin.

Intaas kadib, qaar kamid ah musharixiintaas oo ay Cali yare iyo Cabdi Ashkir hoggaaminayaan ayaa Farmaajo u tagay kaasoo la sheegay inuu u xaqiijiyey sida uu Qoor Qoor dhanka Mahad wax ula rabo iyo inuu isaga taas diidan yahay uuna caawin doono iyaga.

Kooxda kursigan ku heysato Mahad Salaad waxay qaarkood wadaan abaabul, warqad ay ku mideysan yihiin oo ay soo saareen waxay ku sheegeen inuu gacan ka hadal dhici doono haddii la isku dayo in kursiga loo xiro ama loo xoogo musharaax gaar ah oo ay ula jeedaan Mahad Salaad.

Kursigan waa midka ugu xaaladda adag ee yaala Galmudug. Qoor Qoore iyo Mahad Salaad ayaa si weyn isugu soo dhawaaday intii uu socday dagaalkii Guriceel markaas oo uu Mahad si buuxda u garab istaagay Qoor Qoor.

Sidoo kale ganacsatada waaweyn ee beesha kursigaan iska leh ayaa la sheegay inay Mahad la safan yihiin, taasina waa mid kale oo dhiira gelineysa go’aanka Qoor Qoor.

Inkastoo hoggaamiyaha Galmudug lagu eedeenayo inuu beegsi xoog leh ku hayo inta badan xubnaha xisbi siyaasadeedka UPD ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh, haddana qaar kamid ah saaxiibadiisa waaya arag waxay xaqiijiyeen inuu Qoor Qoor si buuxda u ogol yahay inuu Mahad Salaad kursigaan qaato.

Sida uu rabo inuu ku siiyo fasiraad badan lagama hayo, maadaama musharixiinta kale ee Kursigaan ay si weyn u abaabulan yihiin. Dadka kursigaan isha ku hayo qaarkood waxay leeyihiin haddii musharixiinta Kursigaan ay cadaadiska sii wadaan waxaa macquul ah inuu Qoor Qoor iska dhigo Mahad, maadaama aysan aheyn shirko siyaasadeed oo xooggan.