Daawo: Qorshe ay wadaan Lafta-gareen, Farmaajo iyo Jeneral Mahad oo laga digay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa lagu eedeeyey in xalay uu magaalada Baydhaba afduub ugu geystay wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiir Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed oo ah musharax xildhibaan ayaa xalay ciidamo ka tirsan madaxtooyada Koonfur Galbeed waxay ka kaxeysteen Hotel lagu magacaabo Horyaal oo bartamaha Baydhaba ku yaalla.

Dr. Maxamed Ibraahim Bilaal oo la hadlay warbaahinta Goobjoog ayaa sheegay in xalay markii la isku deyey in wasiir Cabdirashiid la xiro ay kacdoon sameeyeen dadka ku nool magaalada Baydhaba, taas oo soo dedejisay in deg deg xorriyadiisa loogu soo celiyo Cabdirashiid.

Musharax xildhibaan Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed oo mar soo noqday wasiirka gaashaanshigga Soomaaliya, waxaa la sheegay inay dhalasho ahaan aad isugu dhawyihiin Mukhtaar Roobow oo dowladda Soomaaliya u xiran.

Dr. Bilaal ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Laftagareen iyo Taliyaha Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan ay Koonfur Galbeed ka wadaan caburin xoog leh, balse shacabku ay hadda isku diyaarinayaan kacdoon dadweyne.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qorshihii xalay lagu xiray wasiirka oo ay ka soo wada shaqeeyeen 3-daas nin uu fashilmay, kadib markii isla xalay uu kacdoon ka bilaawday magaalada Baydhaba.

Wasiir hore Cabdirashiid ayaa hadda ka mid ah musharaxiinta kursiga Hop187 oo uu ku fadhiyo Shariif Sheekhunaa Maye, waxaana doorashada ka socota Koonfur Galbeed laga reebay inta badan ragii ka soo jeeday deegaankaas ee siyaasadda horay ugu jiray.

Dr. Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa sidoo kale sheegay in beegsiga ay wadaan siyaasiyiintaan aysan ka marneyn arrin qabiil, taas oo mar kasta dhalin karta in shacabku kacaan, hadii uu sii socdo hab-dhaqankaan.

Hoos ka daawo Dr. Bilaal