Xilliga ay dhaceyso doorashada kursiga ay isku hayaan Mahad Salaad iyo Cali Yare oo la shaaciyey

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa iclaamiyey doorashada 8 ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Dhuusamareeb, kuwaas oo qaarkood loolan adag uu ka jiro, markii loo fiiriyo dhinacyada ku tartamaya.

Kuraasta la shaaciyey waxaa ka mid ah HOP147 oo ah kursiga uu ku fadhiyo Mahad Salaad, kaas oo hadda ay raadinayaan illaa 10 musharax, waxuuna kamid yahay kuraasta sida weyn isha loogu wada hayo.

13-ka ilaa 14-ka bishan Febraayo ayaa doorashada kuraastaas loo qorsheeyey inay ka dhacdo Dhuusamareeb, waxayna xogaha aan heleyno sheegayaan inay aad u yartahay rajada guusha kursigaas ay ka qabaan musharaxiin uu ku jiro Cali Yare Cali oo aad ugu dhow Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo.

Qoor Qoor ayaa la sheegay in hadda uu aad uga fekerayo sidii uu u maareyn lahaa tartanka kursigaas, iyadoo xogaha qaar ay tilmaamayaan inay macquul tahay in Mahad Salaad loo xiro kurisigiisa.

Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Laftagareen ayaa la sheegay in maalmo ka hor Axmed Qoor Qoor ay kala hadleen cida ay tahay in la siiyo kursigaas, balse Qoor Qoor uu diiday in kuriga HOP147 tartankiisa laga reebo Mahad Salaad.

Musharaxiinta kale ee kursigaas oo badankood ku daaban Madaxweyne Farmaajo, ayaa hadda ka baqaya in tartanka laga reebo oo Axmed Qoor Qoor uu kursigaas u xiro Mahad Salaad.

Kooxda kursigan ku heysata Mahad Salaad waxay wadaan abaabul, warqad ay ku mideysan yihiin oo ay soo saareen waxay ku sheegeen inuu gacan ka hadal dhici doono, haddii la isku dayo in kursiga loo xiro ama loo xoogo musharaax gaar ah oo ay ula jeedaan Mahad Salaad.

Kursigan waa midka ugu loolanka adag ee yaalla Galmudug, Qoor Qoor iyo Mahad Salaad ayaa si weyn isugu soo dhawaaday intii uu socday dagaalkii Guriceel, markaas oo Mahad uu si buuxda u garab istaagay qorshihii Madaxweynaha Galmudug.

Hadii kursigaan uu mar kale ku guuleysto Mahad Salaad, Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo, halkaas cod waa ku weyn doonaa, saaxiibkiis Cali Yare Cali-na waa ku kursi la’yahay.

Arrinta cajiibka ah waxay tahay in garabka Farmaajo oo bilo ka hor la saadaalinayey in si sahlan ay u qaada doonaan kuriga Mahad Salaad ee HOP147, hadda waxay ku baryootamayaan inay tartamaan oo qof gaar ah aan loo xirin kurigaas.

Hoos ka eeg liiska 8-da kursi