Madaxweyne Farmaajo oo ballan-qaadyo u sameeyey booliska Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo war ka soo saaray maalinta aas-aaska e ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa marka hore ugu hambalyeeyey sarreeyeyaasha, saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, bableyda 77- sano guurada ka soo wareegtay aasaaskii ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa Booliiska Soomaaliyeed ku sifeeyey inuu yahay astaan qaran iyo midnimo oo u taagan xaqiijinta amniga guud ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale in ciidamada Booliiska ay naftooda u huraan  xasilloonida dalka si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaadaan dalkooda.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa Astaan qaran iyo midnimo, waxa ayna u taagan yihiin xaqiijinta amniga dalka si dadkeennu ay nabad iyo xasillooni ugu noolaadaan, sidaas awgeed waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay ku garab istaagan gudashada waajibaadkooda qaran,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale wuxa uu ballan qaaday madaxweynaha Soomaaliya in Booliiska Soomaaliyeed ay heli doonaan xuuqaad gaar ah, sida kor u qaadidda tababarradooda, joogteynta iyo kordhinta mushaarkooda, iyada oo la hirgeliyey hannaan askari kasta uu si toos ah ugu helaayo xuquuqdiisa.

Ugu wuxuu ku bogaadiyey saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed doorkooda ku aadan xaqiijinta amniga iyo sidii loo xasilin lahaa guud ahaan dalka.