Shabaab oo ‘culeyskii ugu xooganaa saaray’ Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey xaaladaha ammaanka ee deegaanada maamulkaasi iyo howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciid ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay dagaalyahanada Al-Shabaab ay culeyskii ugu badnaa soo saareen gobollada Galgaduud & Mudug e bartamaha dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sidoo kale tilmaaamay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay falal ammaan darri ah ka abuureen deegaanada maamulkaasi.

Sidoo kale Cali Daahir Ciiid ayaa intaasi ku sii daray in dagaalyahanada Al-Shabaab ay awoodooda ugu badan soo saareen Galmudug, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay ka yimaadeen dhanka maamullada Jubbaland iyo HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.

“Awood badan ayey gobolkan soo saareen, iyaga oo gurmad ka helaayo illaa iyo Jubbaland illaa iyo HirShabelle wixii ka joogay inay soo gudbeenbaa xogta ku heynaa oo dhanka Galmudug ay soo aadeen,” ayuu yiri Cali Daahir Ciid.

Dhinaca kale wuxuu shaaca ka qaaday in Galmudug ay saameysay howl-gallo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey Al-Shabaab, islamarkaana ay sii laba jibaar doonaan.

“Howl-gallo ballaaran oo Galmudug ay sameysay aadbaa loo durrjiyey dhib badana wa ka soo gaaray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Si kastaba ha’ahaatee hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maalin ka hor weerar is-miidaamin ahaa ay Al-Shabaab ka fuliyeen koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudg, kaas oo lagu dilay saraakiil ciidan yo sidoo kale dad kale oo shacab ahaa.